Wiil Ku Lebbistay Dirayska Ciidanka Milatariga Somaliland Oo Xabsiga La Dhigay Arintan Oo Hadal Hayn Iyo Layaab Ku Noqotay Bulshada.

Hargaysa-(OWN)-Gudaha Magaalada Hargeysa ayaa lagu xidhay wiil dhalinyaro ah oo ku labistay dharka Millatariga, kaddibna sawir kusoo galay direeska ciidanka Milatariga Somaliland.

Wiilka oo lagu magacaabo Faysal Sugaal oo ah wiil qurbaha ka yimid ayaa lagu eedeeyay in uu xidhay direeska Milatariga Soomaaliland kaddibna sawiro uu kusoo galay ku baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto sida Facebook.

Xukuumadda Somaliland ayaan wali ka hadlin xadhiga wiilkan ku labistay direeska ciidanka loogu geestay magaalada Hargeysa, waxaana xadhiga wiilkan warbaahinta u xaqiijiyay eheladiisa.

Dhacdadan lagu xidhay wiilkan qurbaha ka yimid ee ku labistay direeska Ciidanka Somaliland ayaa noqotay tii ugu horreesay, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker