War-Deg Deg Ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Xilkii Laga Qaaday.

Dhuusamareeb-(OWN)-Baarlamaanka Galmudug ee ku shirsanaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay goor dhowayd xilka ka qaadeen guddoomiye Cali Gacal Casir, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenka koowaad Xareed Cali Xareed oo shirka guddoominayay.

146 Xildhibaan ayaa la soo sheegayaa iney “Haa” ugu codeeyeen mooshinka, halka hal Xildhibaanna uu ka amausay, Xareed Cali Xareed ayaa ugu dnabeyn ku dhawaaqay in mooshinka Ansax yahay, Xilkana si rasmi ah looga qaaday Cali gacal Casir.

Si Kastaba, Arintan waxey cirka sii galineysaa khilaafka u dhexeeya Hogaanka sare ee Galmudug taasoo soo jiitamayay tan iyo markii heshiiska lala soo galay Ahlu-Suna, xubno kuwooda ahna lagu soo daray Baarlamaanka.

Oodwayne/News.com Kala soco wixii kusoo kordha Warkan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker