Muuse & Kaahin oo weligood Colaad & dagaal & kala fogeynta Umada ka shaqayn jirey, ayaa Kuraasida Wadanka ku fadhiya, kolkaasey Dhiig Colaado & Reera isdila & Jabhado Wadankii ka bixi la, yahay.

Dadba Ilaahay waxbuu ku ilhaamiyaa, Dadka qaar Nimco & Khayr ayey ku caana maalaan, qaarna Belaayi
Colaado, Dhiig & dhibaato ayey la kawdsadaan Cimrigoodana ku dhameystaan.
Muuse Biixi & kaahin & Saleebaan Gaal oo Dagaaladii Sokeeye waxay Shacabka Masaakiinta Badeen
ee ay dib u qixiyeen, ee Muuse ku andacoodey Anigoo wax dili kara Duca qaadan maayo, ee Ina Kaahin
wuxuu Ca/Tuur Ilaahay haw naxariistee uu badey ee isagoo Wasiirkii Gaashaandhiga ahaa intuu iska
casiley Wasiiradii Reerkiisana kaxaystey, Dawlad Tuur leh la shaqayn mayno.
Saleebaan Gaal Burco intuu Rasaas Dhinac kasta ka huwiyey ku andacoodey qolaanu buufinaynaa ee
wax yar daaqada xidha.
Bal Hadaba, Shacabka Somaliland Muuse & Kaahin & S/Gaal ma rejo nabada ayey ka sugayaan oo kurssida
Wadanka ugu sareysey ku fadhiya, waa maya, maba yaqaanaan Nabad & Wanaag oo Shaydaan ayey la shaqaystaan.
Waayo intaa Somaliland ay ku dhex jireen Sadexda Muuse & Kaahin & S/Gaal oo Nabad wax ka tarey lama arag
Colaad & Af xumo & kala fogeyn Umada mooyee, S/Gaal wuxuu Guurtida kaga dhex botorin jirey isagoo Siilaanyo
Reernimo uugu hiilinaya waa lawada arki jirey, Guurtida oo Gole Nabadeed ahaa waakaa meesha ku haysta ee u
diida inay Colaad wax ka qabtaan oo ay umada Ergo Nabadeed u noqdaan.
Ina Kaahin Daalinka Dhiigya Cabka ahi Isagoo amnigii wasiirka ah ayuu Caaqlikiisii hub u rarey Ceel Afweyn, oo uu
Korneyl Caare yidhi yaan ergeda abadu la hadlin makaasaa Wasiir Amni sheeganaya, kolkaasuu Bari & Sool & Sanaag
uu ku dhex waashay oo intaa hoosta ka hurinayaa Dagaalada eelaha, hadana kol kasta iska dhiga Wasiir wax kala
qaboojinaya, Ilayn weligii abad shaqo kuma lahayn, oo waa Dagaal Ooge Kaahin.
Sidaas Darteed, Shicibka Somaliland ee Muuse Dagaal Ooge Duca Diide & Kaahin oo Cunfiga & dhiiga Shacabka ku
macaasha imikana Wasiir ku ah & S/Gaal oo Somaliland kala qaybinteeda & Colaadeeda & Dhibaatada ka shaqeeya
oo Xaaraan & Xaqdaro ku haysta dayada Guurtida oo sida Malcaamada usha la hor taagan aamusa, ha hadlina ayaa
Nabad & Nolol & isu soo Dhaweyn & wax wada lahaansho ka sugaya, waa maya.
Kolkaa Somaliland Sadexda Dhiiga ku suntan ee Taariikhdu sheegayso waxay yihiin, waa Muuse Shaani & Daalinka
Kaahin & S/Gaal wey soconaysaa, cunfiga, isnacaybka, Jabahada baxaya waayo iyagaa Colaada abuura, kala taga
ka shaqeeya, Sadexdaa Sadhaysan ee Kuraasidii ku fadhiya Somaliland wey sadheynayaan.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker