Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qeyb Galay Aas Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyey Marxuum Jaamac Nuur.[Sawirro]

Hargaysa-(OWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay aaska marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa oo kamid ahaa waxgaradkii waqtiga badan geliyey sidii ay Somaliland u horumari lahayd.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan saraakiil katirsan goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxgarad, culimo, madax-dhaqameed iyo boqollaal katirsan shacabka reer Somaliland, ayaa salaadda Janaasadda aaska marxuum Jaamac Nuur Warfaa oo lagu aasay xabaalaha Baqiic ee waqooyiga caasimadda Hargeysa ka qayb-galay, waxana si mug leh looga sheekeeyey doorkii shariifka ahaa ee uu marxuumku kaga jirey bulshada iyo sidii uu tusaalaha ugu ahaa wanaagga iyo wax-bixinta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu dhinaciisa ku dheeraaday sifooyinkii wanaagsanaa ee uu marxuum Jaamac Nuur Xasan caanka ku ahaa iyo sidii uu maalkiisa iyo maskaxdiisaba u geliyey horumarka bulshada reer Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Marxuum Jaamac Nuur waxa uu ahaa nin inta Bani’aadam wanaag leeyahay wanaag leh, haddii ay deeq tahay, haddii ay caddaalad tahay iyo haddii ay halgan tahayba, waxana uu ahaa dadka wanaaggooda la isku raacsan yahay, Baayac-mushtar buu soo bilaabay oo taajir weyn buu noqday, haddana wixiisii waxa uu ku bixiyey danta guud iyo halkii la yidhi dadka danta yar wax halla siiyo, illaa uu markii dambe noqday nin aan xoolo haynin oo wixiisii dadka u huray.”

Image may contain: one or more people, people standing, wedding, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 10 people, people smiling, people standing, sky, shoes and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, tree and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky, tree, car, outdoor and natureImage may contain: 3 people, people smiling, outdoorImage may contain: 3 people, outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 3 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people standing and weddingImage may contain: 4 people, people standing and weddingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker