Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo La Sheegay In Uu Ergo U Dirtay Beesha Garxajis.

Hargaysa-(OWN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadda kursiga Madaxtinimada dalka ku fadhiyey muddo 9-bilood ah, ayaa ay Xukuumaddiisa soo wajaheen caqabado badan oo la xidhiidha tabashooyin kaga imanaayey beelaha Somaliland oo aad u saluugsan dhismaha Xukuumaddiisa. Waxaana la sheegay in Madaxweynahu uu hadda diyaar u yahay sida oo kale na uu qorsheeyey siddii uu uga jawaabi lahaa tabashooyinka ka soo yeedhaya beelaha Somaliland.

 

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, Madaxweynaha oo markii hore mashquul ku ahaa hawlaha shaqo ee Xukuumaddiisa ayaa haatan go’aansadey in uu ka jawaabo dhawaaqyada cabasho ee khuseeya dhinaca caddaalad darada iyo saluuga laga muujinaayo dhismaha Xukuumaddiisa ee ka soo yeedhaya shacabka Somaliland, waxaana ay wararku tilmaameen in durta ba uu diyaariyey guddi hordhac ah oo isaga ka socota kana wakiil ah isla mar ahaantaana wada-hadal la furta guddida beelaha Garxajis oo dhawaan shir ay ku saluugsan yihiin Xukuumaddiisa ku qabtay Buurta-gacan Libaax ee deegaanka degmada Go’da Weyn oo ku taala gobalka Saaxil.

Wararku, may caddeynin guddida uu Madaxweynahu u soo diray beelaha Garxajis balse waxa ay tibaaxeen in ay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah, Ganacsato, Culimmaa-uddiin, Madax-dhaqameed iyo Dad kale oo Muxtarim ah oo ka soo jeeda beelaha Garxajis, waxaana la rajeynayaa in maalmaha soo socda ay bilaabmi doonaan wada-hadal dhexdooda ah oo ay kaga arrinsanayaan kulan Madaxweynahu u qorsheeyey in uu la yeesho guddida Beelaha Garxajis isla mar ahaantaana uu la eego tabashooyinkii ay ka soo saareen shirkii BuurtaGacan Libaax.

Guddida Beelaha Garxajis, ayaa tan iyo wakhtigii ay qabteen Shirka Buurta Gacan-libaax aan la kulmin Madaxweynaha isla mar ahaantaana aan dhinaca Xukuumadda ka helin wax soo dhaweyn ah iyo jawaab khuseysa go’aamaddii ay ka soo saareen shirkaasi.

Waxaana la filayaa in guddidu ay jawaab ka bixin doonaan dalabka uga yimi Madaxweynaha isla mar ahaantaana ay ka arrinsan doonaan tallaabada ay kaga fal-celinayaan oo aan caddeyn.

Tallaabadan u qaadey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqon doonta mid wax badan u tarta Xukuumaddiisa isla mar ahaantaana isku soo dhaweyn doonta shacabka Somaliland oo ku kala qeybsamay xanaf ka dhalatay Doorashadii dalka ka dhacdey ee uu kursiga ku fuulay, balse waxa weli horyaala isla mar ahaantaana beesha Garxajis iyo beelaha kale ee cabanayaa ba ay eegayaan sida uu Madaxweynahu uga jawaabo tabashooyinkooda ku saleysan caddaalad darro ay tirsanayaan iyo saluuga ay ka qabaan Xukuumaddiisa.

Xigasho:- Wargayska Waaberi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker