Isbedelka Ka Dhacay Kililka 5aad Ee Itoobiya Oo Sababay Inuu Kordho Isu-socodkii Hargeysa Iyo Jigjiga

Tog Wajaale (OWN) – Tan iyo markii isbedelku ka dhacay dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya waxa isku furmay isku socodkii shacabka Hargeysa iyo Jigjiga, taas oo keentay in dad faro badan oo aan awal hore u tagi jirin ay u heelan yihiin inay jigjiga booqdaan.

Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaad ku arkaysa magaalo xuduudeedka Wajaale, kuwaas oo ku sii jeeda Jig Jiga, isla markaana xiisaynaya inay booqdaan, waxaanay dadku ku faraxsan yihiin isbedelka dhacay iyo sida aanay uga cabsoonayn inay meesha ay doonaan tagaan.

Waayadii hore way adkayd in magaaladda Wajaale xadku dhexmaro aad u soo gudubto dhinaca Itoobiya, taas oo aad halis ugu jirtid in markiiba lagu xidho, sidaas darteed dadku may dhaafi jirin dhinaca Somaliland.

Sidoo kale, waxa mamnuuc ahayd in gaadiidka isku talaabaan oo alaab ka soo qaadaan Dhinaca Wajaale ee Somaliland taas oo la baadhi jiray mararka qaarkoodna la dhici jiray dadka ganacsatadda ah ee Wajaale alaabta ka soo rarta, haseyeeshee hadda arrimahaasi way is bedeleen oo gaadiidku toos bay iskugu talaabayaan, iyadoo alaabo ka soo iibsanaya suuqa weyn ee Wajaale ayey u gudbayaan ilaa Jig Jiga.

Wajaale ilaa Jig Jiga waxay waagii hore ka jiray kantaroolo dadka lagu silcin jirey oo lagu baadhi jirey,isla markaana marar badan dhacday in la iska xidho, haseyeeshee hadda si fudud ayaa la iskaga gudbi karaa.

“Waxaan ka imid Jigjiga waxaana u tagay inaan iska booqdo, waxaan xiisaynayey isbedelka ka dhacay oo waagii hore way adkayd in la isku gudbo adigoo xiitaa sharci haysta ayaa lagu cadaadin jiray oo mararka qaarkood lagaa jarjari jirey, hadase si fudud baad iskaga talaabaysaa cid wax ku odhanaysaana ma jirto”ayuu yidhi Axmed Yuusuf oo ka mid ah dhalinyaro booqasho ku tagtay Jigjiga.

Wajaale iyo Jigjiga waxa loo kala socdaa afartan daqiiqo, isla markaaana nooliguna aad u jaban yahay, taas ayaa keenaysa in dadku booqdaan qaarkoodna intay galinka hore tagaan ka dambe ka soo laabtaan.

Intaad joogto Wajaale waxaad arkaysa shacab faro badan oo sii socda iyo kuwo soo socda, kuwaas oo baabuurtu daqiiqadaba aanu taagnayn ee markiiba uu Basku dhaqaaqayo shacabka badan ee raacaya awgeed.

Wajaale waa suuq weyn oo ay wax ka iibsadaan Soomaalida deegaanka iyo qoomiyada Oromada, waana labadda qoomiyeed ee aad ugu xidhan Somaliland ee mar walba u soo talaaba dhinaca Somaliland, qaarkood Hargeysa u soo dhaafaan maadama oo Wajaale iyo Hargeysa wax badan kala fogayn oo qiyaas ahaan isku jiraan wax ka yar saacad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker