BOROBOGAANDADA IYO QABYAALADDA IS HUWANI WAA AAFO INNA HAYSATA

Camar Axmed Cali. Q/ 4aad

 

Qormadani  waxay  ka mid  tahay  qormooyin  dhowr  ah oo aan si  kooban  ugaga hadlayay  dhibaatooyinka  ay innagu hayaan kooxaha qabyaaaladda  ku  adeegtaa, iyo sida ay wararka malo awaalka iyo hubsiimo  la’aantu  u yihiin  falaadh  ku taagan geedi  socodka horumarineed  ee ay S/land  higsanayso.

  Qormadan  maantu  waxay  si guudmar u iftiiminaysaa mushkiladaha   isbarkan  ee  aynu ka dhaxalnay  isticmaalka  baraha  bulshada, ku waa soo  haddii  aad u kuurgasho  waxa lagu soo bandhigayo,  ay kuu muuqanayso  in aragtida  iyo aaraada  taala,  gayigeena  anay ka  turjumaynin  baahiyaha  dhabta ah ee aynu la  qama-dhacyoonayno.
Isticmaalka  baraha  bulshadu  waa arrin  ku cusub sooyaalka warbaahineed ee ay Somalidu  leedahay, gaar ahaan marka la eego hababkii  qadiimiga  ahaa ee ay Somalidu  wararka  iskugu  gudbin-jireen,  iyada oo la odhan karo baraha bulshadu  waxay inoole yimaadeen khasaare iyo faa’iido is-garabyaal, oo cidwaliba meel ula dhaqaaqday, hadana waxay  xaqiiqdu tahay, in ay baraha bulashu yihiin aalad wax lagu toosi karo, haddii loola kici-lahaa  xagga  wanaaga  iyo  wax  toosinta, sidoo kalena aynu ku gaadhi-lahayn guulo badan  oo ay maanta shacabkeenu tabayaan.

Tusaale  ahaan  haddii loola kici-lahaa  in lagu wacyigaliyo bulshadeena, iyada  oo lagula  dagaalamayo  waxyaalaha   lugta  jiidaya horumarka ay bulshada  S/land higsanayso, sida  qaybaaladda, qaadka, iyo wax kasta oo himiladeena  dabar  ku ah.

Waxa kale oo looga faa’iidaysan karaa in lagu ogaado wax kasta oo la xidhiidha  aqoon iyo waayo aragnimo kaa dahsoonayd,  taa soo sare u qaadi karta heerka fahankaaga masgaxeed iyo sida aad wax u arkayso.
Waxa’se hubaal ah, in aynu  baraha bulshada u isticmaalnay dariiq aan ahayn kii xalaasha ahaa, islamarkaana aynu u adeegsanay dardargalinta  qabyaaladda  iyo kala qaybinta  bulshadeena, taa soo inna dhaxashiisay  tafaraaruq iyo kala daadsanaan  weyn oo  bulshadeena ka dhex muuqata, waxa taa ka siidaran markaad aragto  sida  baraha bulshada  loogu faafinayo  warar lagu carqaladaynayo  midnimada, wadajirka iyo wax wada-qabisga  bulshadeena, iyada oo loogu badalayo, qulqulatooyin iyo ismaandhaafyo  u dhexeeya  beelaha  walaalaha ah.

Arrmahan waxa loo sibirsaari-karaa  Somalida oo dhaqan ahaan ka soo jeeda  bulsho ay  qabyaaladdu  si weyn ugu  lamaan tahay ( tribal society), sidoo  kalena ay u tahay halbeed  ay  ku cabiraan, hadba waxa ku soo kordha  geedi-socodka  noloshooda .
Somalidu  waa bulsho borobogaandaha iyo hubsiimo la’aantu  ay u tahay tilmaan  lagu yaqaano,  islamarkaana   ay ku yar tahay xaqiiqo-raadinta iyo ka fiirsiguba.

 Sidaa soo ay tahay, hadana  waxay xaqiiqdu tahay  in baraha bulshadu  yihiin  meesha ugu  balaadhan ee  laysku waydaarsado afkaarta iyo aragtiyaha   la kala aaminsan yahay,  taa soo ka dhigi karta meel haddii si xilkasnimo leh loo adeegsado  wax badan lagu toosin  karo. Waa’se haddii ay inna gubayso han iyo himilo toolmooni.
Nasiibdaro’se taasi maydhicin oo  baraha bulshadu  waxay  noqdeen  meel  lagu naaxiyo  laba  arimood  oo aan midna  dani  ugu  jirin  bulsho ay daashadeen  saboolnimo iyo maamul-xumaani;- waa ta koobaade marka horeba waxa lagu soo bandhigaa waa  buunbuunin iyo borobogaando aan ku salaysnaysnin runta biyo-kama dhibcaan ah  ee meesha taal.
Waa mida  labaade  cidkasta oo ku adeegata  damaca  qabyaalada  waxay u tahay fursad iyo jaanis ay ku hantiyaan  dhagaha iyo quluubta  cidda ay la hadlayaan, iyaga  oo  ay dulucdoodu  tahay  in ay  gaadhsiiyaan  fariin xambaarsan eroyo  dhiilo leh oo bulshada  midnimadeeda lagu dhaawacayo.
Marka aad furto barta aad ku leedahay bogga internet-ka,  waxay  ishaadu  qabanaysaa sawiro iyo qoraalo ka turjumaya  siday inoogu xididaysatay  qabyaalada  ragaadisay horumarkii bulshadeena, iyo sida ay u  dulaysatay garashadii iyo caqligii fayoobaa ee RABBI inagu galadaystay.

 Hadaba  waxaan  maqaalkaygan ku soo gabagabaynayaa, haddii  baraha  bulshadu  inoo  noqdaan  meel  lagu  barbaariyo aragtiyaha saboolka  ah ee  bulshada  lagu  marin-habaabinayo, haddii  baraha bulshada  inoo  noqdaan  meel  aynu  ku  badalno  goloyaashii ay Somalidu  la fadhiyi’ jirtay  muranka iyo qabiil ku faanka,  haddii  baraha bulshadu  inoo  noqdaan  meel  aynu ku faafino cayda iyo afxumada dadka loo gaysanayo, haddii  baraha  bulshadu  inoo noqdaan  meel  lagu soo bandhigo wax kasta oo RABBI inaga xaraamyeeley, haddii baraha bulshadu  noqdaan meel aan la hayn sharci lagula xisaabtamo cidkasta oo  ku xadgudubta  sharafta iyo karaamada dadyowga  kale, waxa hubaal  ah in aynu ka dhaxli-doono,  xaalado kasii cakiran tan aynu maanta la goobyaalayno.

By Cumar Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker