Baarlamaanka Midowga Yurub Oo Cod U Qaadaya Ra’iisal-wasaaraha Hungry Viktor Orban

Baarlamaanka midowga Yurub ayaa maanta cod u qaadaya waxa laga yeelayo Viktor Orban oo ah Ra’iisul wasaaraha Hungry kaas oo lagu eedeyay in uu ku xad gudbay shuruucaha u yaala Midowga Yurub.

Eedeymaha ugu waa weyn ee Mr.Viktor loo heysto waxaa kamid ah in uu hoos u dhigay nidaamkii dimuqaradiyada sido kalena uu ku xadgudbay mabaad’iida u degsan midowga EU-da.

Mr.Orban ayaa waxaa sidoo kale eedeymaha wajahayo ka mid ah in uu ku dadaalay meelmarinta shuruuc lagu dagaalamayo soo galootiga xili wadamada midowga Yurub ay la daalaa dhacayaan qulqulka muhaajiriinta faraha badan ee uga imaanaya qaarada Afrika.

Ra’iisul wasaare Viktor Orban oo dhankiisa ka hadlay go’aanka barlamaanka midowga Yurub ay maanta soo saarayaan ayaa waxa uu sheegay in wax saameyn ah aanay ku yeelan doonin go’aamadiisa masiiriga ah. Waxa uu sido kale hoosta ka xariiqay in Hungary aanan laga hor istaagi karin in ay ilaaliso xuduudeeda sido kalena ay difaacdo xuquuqda shacabkeeda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker