Xukuumada Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtey Eedeymo Uu U Jeediyey Siyaasi Duur.

Hargaysa-(OWN)-Wasiirkii arrimaha gudaha xukumaddii Siilaanyo mudane Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa walaac weyn ka muujiyay heerka kala qaybsanaanta bulshada ee qabyaaladdu keentay ka marayso Somaliland laakiin, wasiir xukumadda u hadlay ayaa si ka duwan aragtida Duur uga hadlay arrintaasi.

Siyaasi Duur oo shalay ka hadlayay xaflad ka dhacday Hargeysa waxa uu sheegay in mushkiladihii ka jiray Geeska Africa la xalliyay, isaga oo tusaale u soo qaatay in la dhammeeyay colaaddii Itoobiya iyo Ereteriya lana wado dhammaynta colaaddii Ereteriya iyo Jabuuti laakiin, mushkiladda baaqiga ahi tahay qabyaaladda Soomaalida oo uu sheegay in Somaliland ay taallo 70%.

“Mashaakilkii kale oo dhan waa la xalliyay, waxa kaliya ee aan la xallin waxa weeye kala qaybsanaanta iyo qabyaaladda macno darrada ku salaysan ee Soomaalida. Qabyaaladda soomaalidana marka aan eegay 70% Somaliland bay taalla 30% ayay bulshada kale dhex taalla. Qof dumar ah oo Somaliland u dhalatay oo Xamar ka timid ayaa xalay iiga warramaysay oo waxay tidhi ‘Halkaa (Xamar) qabyaalad ba ma taallo’ waxaan ogahay qabyaaladda ugu weyn iyo kala qaybsanaanta jirta ayaa halkan taalla. Aad bay nasiib darro iyo ayaan darro weyn u tahay, balse waxaynu u baahan nahay dhibka ciddii inagala shaqayn lahayd ee inala xallin lahayd,” Sidaas ayuu yidhi Siyaasi Duur.

Geesta kale Maxamed Xaaji Aadan Cilmi wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka oo afka xukumadda ku hadlay ayaa sheegay in Xamar ka qabyaalad badan tahay Somaliland waxaanu isaga oo isla xafladda ka hadlayay, islamarkaana tixraacaya hadalka duur yidhi “Anigu waxaan qaba in ay bulshada Somaliland tahay bulsho aad iyo aad u wanaagsan, aad isu ixtiraamta oo isu tixgelisa, nafta iyo nolosha wadaagta. Dadkii abaartii ka shaqaynayay ayaan ka mid ahaa, Illaahay fadligiisa kadib umaddu iyada isu gargaartay oo gacmaha is qabsatay, waxaynu nahay dad ilaashada nabaddooda iyo midnimadooda.”

Wasiirka oo sii hadlayay wuxuu sheegay in kala qaybsanaantu ku badan tahay dhinaca Soomaaliya “Waxaan qaba in qaybsanaantu Xamar iyo xaggaas ku badan tahay waanan u ducaynaya in Illaahay midnimadooda hagaajiyo. Shalay ayuun bay ahayd markii dhammaan dawlad goboleedyadu ku dhawaaqeen in ay Xamar ka goosteen oo aanay talo ku lahayn,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka Dastuurka iyo xidhiidhka Goleyaasha.

Inta badan xukumadda madaxweyne Biixi ayaa lagu dhalliila in aanay bulshada midayn markii lagu kala qaybsamay doorashadii madaxtooyada oo bulshadu si xamaasad leh u kala taageeraysay xisbiyadii ku loolamay doorashada. Siyaasi Duur oo ka tirsan Waddani iyo wasiirka u jawaabay ayaa u muuqda in ay ku kala fog yihiin kala qaybsanaanta la hadal hayo.

Image result for loogada qaranka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker