Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Tilmaamaha Hogaanka Siyaasiga Ah (Qaybtii 11aad) By: Maxamed Xoosh

Hogaanka Siyaasiga Ahi Intaanu Fagaaraha Iman Ayuu Waaqica Si Fiicaan U Darsaa Waxa u Dheer Wax Akhris Iyo Dhagaysi Badan Qaybaha Nolosha Oo Dhan

Hogaamiyihu Waa Mid Xasuusan Wixii Dhacay Sidoo Kale Isha Ku Haya Waxa La Filanaayo Balse La Nool Xaalada Siyaasiga Ah Ee Imika Taagan Sida Ay Tahayna Ula Tacaala !

Xeeladaha Hogaanka Waxa Ka Mid Ah In Dadka La Isa Soo Gaadhsiiyo In Aanay Kala Fogaan , Dhaqaale, Aqoon, Ilbaxnimo, Kobaca Garaadka  Iyo Wixii Kaleba , Dadku Mar Wal Oo Ay Kala Fogaadaan Dawladnimaduna Wey Sii Itaal Daraynaysaa , Hogaamiyuhu Dadka Waa Isa Soo Gaadhsiiyaa

Hogaanka Siyaasiga ah Wuxuu Iib Geeyaa Barnaamij Siyaasi Ah Wey Adagtahay In La Wada Fuliyo Balse Wuxu Ku Shaqeeyaa Maxaa Suurta-Gal Ka Ah

Hogaanku Tilmaamihiisa Waxaa Ka Mid Ah In Hadii La Caayo Ama La Amaano Ay Iskugu Mid Noqoto Sidoo Kale In La Naco Ama La Jeclaado Aanu Kala Jeclaysan  “Dad Qaar Ictiraaf  Doon Isaga Iyo Reerka Ah Ayuu u Soo Galaa Siyaasadda”

Halbeega Shacabka Soomaaliland Ay Wax Ku Tilmaaman Waxa Ka Mid Ah Wax Bixin Ninka Xoolaha Umada Ku Gacan Furani Waa Hogaamiye Dhaqankeena Nin Xoolaha Umada Ku Faro Adag Waa Gacantii Go,day Lacagtii Umada Urursanaaya (Waxa Laga Cawdaana Waa Musuq Maasaq)

Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker