Magacyadda Meelaha Ay Xukuumadda Kulmiye Ka Qaadato Baahiyaadkeeda Oo La Soo Bandhigay ” Wasiirka Maaliyaddu Ma Og Yahay..”

Hargaysa-(OWN)-Prof Mustafe Baaruud oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha Hargeysa ku yaala ayaa si qoto dheer u soo bandhigay xog ururin uu ka sameeyay meelaha ay xukuumadda Talada Somaliland haysa ee Kulmiye wax ka iibsato, kuwaas oo isugu jira kaalmaha shiidaalka iyo tukaanada ay ka qaadato qalabka xafiisyadda.

Image result for mustafe baaruud

qoraalkan oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay OodwayneNews.com ayaa u dhignaa sidan “Xog ururintii aan ku wadday Miisaaniyadda qaranka, qaybteeda Agabka iyo Adeega hawsha, inkastoon wali badhtanka kaga jiro, qormooyin badana ka samayn doono Inshalah, nasiib daro se; waxa durba isoo baxay wax aad qariib u ah, oo kala taga goboladda dalka sababnncadd u ah. Tusaale ahaan:

1-Kaalmaha Shiidaalka laga qaata waa sidan:

Boqol-jire, Ayaan (Cajab), Ali-mataan, Indha-birta, Kulmiye, Muuse-dalab, Guul-Alla, Barwaaqo. Etc

2-Tukaanadda Alaabta xafiisyada laga qaataa waa sidan:

Qadiimi, Meecaad, Maashalah, Gulf. Etc.

Haddaba:

Muddane wasiir meheraddaha adeegyaddan muhimkaa ee lacagta badan kaga baxdo qaranka, laguna lacag siiyo cashuurta dad waynaha, iska dhaaf goboladda kale oo dhan, xataa degmooyinka Maxamoud-haybe, Gacan-libaax iyo Axmed-dhagax waxba kama soo gaadhaan.

Muddane wasiir waxa ka daran, inta badan lama yaqaan sida qandaraasyaddan lagu bixiyey, balse waxa la ogsoonyahay in ay ku baxaan qabyaaladd, waji iyo laaluush (Maxaad ii ogoshahay).

Muddane wasiir waxa ka sii ayaan daran, qaranka waxa wax lagaga iibiyaa qiime aad uga sareeya ka suuqa. Mararka qaar waaba labanlaab, qiimaha loo garaaco dawladda marka wax laga iibinaayo. Taas macneheedu waxa weeye, wax ka taajirid si toos ah.

Muddane wasiir ceebta kale ee dalkeena jirtaa, waa in Agaasime waaxeedyadda Maamulka iyo Lacagtu awooda ku raageen, marar badana Wasiiradda ay ka awood bataan, amma iskaga laaluushaan u fududayn musuq iyo lunsi hantiyeed. Awoodaas ayaa inta badan u saamaxda in ay Tukaano gaara ah la macaamilaan, sababo u gaar ah.

Muddane wasiir tani waa sababta lacagta ka badan $30-ka mliyan ee miisaniyadda qaranka, sanadkasta aanay Hargeisa gudeheeda u dhaafin, iska dhaaf goboladda fog.

Muddane wasiir; saami-qaybsiga qaranku kuraasta siyaasadda oo kaliya maaha ee waa Keega qaranka in la wadda cuno, oo shilinka la wadaago.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker