Madaxwaynaha Soomaaliya Iyo Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Oo Wada Hadal Ku Yeeshay Magaalada Addis-ababa.

 

Addis-Ababa-(OWN)-Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay, ayaa gaadhay Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka furmay Shirka Madaxda IGAD.

Farmaajo iyo wafdigiisa, waxaa garoonka Bole ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ku jiray Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar), Safiirka Itoobiya ee Somaliya iyo Axmed Shide oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Ismaamulka Somalida.

Soo dhoweyntan oo aheyd mid heerkeedu sareysay ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Cagjar iyo Farmaajo, ayaa ka wada hadlay arimo ay kamid ahaayeen;  ammaanka, horumarada iyo dadaalada nabadda ee ka socda Geeska Afrika.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) uu dalbaday in lagu soo dhaweeyo Magaalada Jigjiga, taasoo ay aqbaleen Madaxda Ismaamulka Somalida.

Farmaajo iyo Madaxda kale oo AFrika kamid ah, ayaa ku tagay magaalada Addis ababa, halkaas oo maanta uu ka furmay Shirka Madaxda IGAD, Waa shir madaxeedkii 33-aad ee IGAD, Waxaana diirada lagu saarayaa heshiis kama dnabeys ah oo ay kala saxiixanayaan dhinacyada isku haya Suudaanta Koofureed.

Sidoo kale, waxaa miiska saaran dib ugu soo noqoshada Eritrea ee Urur Goboleedka IGAD, iyo xal u helista walaaca Jabuuti ee heshiiska Itoobiya iyo Eritrea.

one or more people, people standing and suit

2 people, people standing

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker