Madaxda Dalalka IGAD Oo U Fadhiya In Eritrea Lagu Soo Dhoweeyo Xubinnimada Ururka.
Addis-Ababa-(OWN)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaliya, Axmed Ciise Cawad, oo waraysi gaar ah siinayey laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in arrinta Eritrea looga hadlayo shirka madaxda IGAD ee galinka dambe.
Wuxuu sheegay in laga gudbay “arrintii keentay in markii horeba laga saaro ururka”, isagoo sheegay in “xalay dhalay laga noqday”.
Arrintaas ayuu sheegay in sababteeda ay leeyihiin “hogaamiyeyaasha cusub ee yimid, ayadoo la go’aansaday in dhinaca iskaashiga loo jihaysto”.
Doorka Soomaaliya ay ku leedahay arrinta Eritrea iyo Jabuuti ayuu ku tilmaamay inuu yahay “isu soo dhoweynta dalalkaas. Labada dal waxay ballan qaadeen inay dhamaynayaan khilaafka” ayuu yidhi.
Labada madaxweyne ee labada dal, Isaias Afwerki iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan goobta shirka, waxaana la filayaa in ay goor dhow ku kulmaan goobta Shirka.
Madaxweyanaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi farmaajo ayaa isna duhurnimadii maanta gaadhay magaalada Addis Ababa.
Mustafe Cagjar wuxuu bartiisa Twitter soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in ay tahay “markii ugu horraysay ee ay is gacan qaadaan madaxweyne Soomaaliyeed”.
Farmaajo wuxuu ka mid yahay madaxda IGAD ee doorka weyn ka qaatay isu soo dhoweynta Eritrea iyo Jabuuti.
Gelinkii hore ayaa waxaa aad looga hadlay arrinta South Sudan.