Duufaan Halis Ah Oo Xawli Ku Socota Ayaa ku Sii Siqeysa Gobollada Mareykanka.

America-(OWN)-Saraakiisha xaaladda deg degga ah ee gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka ayaa dadka uga degaya inay soo geba gebeeyaan diyaargarowgooda duufaanta Florence ka hor inta aysan la iman roobab xooggan iyo dabeylo nolosha halis gelinaya.

Duufaanta Florence ayaa dhowr maalmood waxay ay tahay cabirka halista ah ee 4 ayada oo wadata dabeylo sacaaddii jaraya 220 KM, waxayna kusoo siqeysaa xeebta bari ee Mareykanka.

Dadka cimilada saadaaliya ayaan fileyn inay wax iska beddelaan heerka awoodeed ee duufaanta ka hor inta aysan khamiista ama jimcaha ku dhufan xudduudka ay wadaagaan gobollada North Carolina iyo South Carolina.

Waxaa sidoo kale jira walaac ku saabsan in marka duufaanta timaado xeebaha ay dhaliso roobab fatahaad ka dhalin kara qeybo ka mid ah gobollada North Carolina, South Carolina iyo Virginia.

Xarunta Duufaanta Qaranka ee Mareykanka ayaa fileysa in duufaanta Florence ay keento dhibco roobaab dhan 40 illaa 60 Cm, meelaha qaarna gaari kara 90 cm.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker