Billadda Badhisaab-ku-xigeenka G/Daadmadheedh! Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka”

Labo sanno horteed ayaan cajaladda maskaxda dib u soo roogaa. Kadib waxa aan arkaa Gobolka Daadmadheedh sida uu ahaa. Hareeraha ayaan eegaa, dabadeed waxa aan halacsadaa deegaan dayacan, bulsho darxumeysan iyo duunyo dalanbaabi ah. Haddana waxa aan sawirtaa hummaagga xarunta Gobolka Daadmadheedh looga arrimin jiray, kadib waxa aan arkaa xafiisyo madhan, xaashiyo cadcad, iyo albaabbo xidhan. Labo sanno horteed ayaan hortayda ka halacsadaa, waxaana ii soo baxa sawir indhaha u daran. Runtii waa naxaa! Waa dhaliinyaro dansan, danyar  daruufeysan, dumar darxumeysan iyo duqey wajigooda uu dihaal badani ka muuqdo. Waxaan arkaa xildhibaan dheregsan  oo madigiigixte ah, oo xoolihii maatida sidii hororkii u boobayaa. Waan ilmeeyaa. Waxa aan arkaa hummaagga masuuliyiintii Daadmadheedh oo daashadaashoonaya dacallada Hargeysa. Waxaan arkaa Magacii Daad-madheedh oo “Dad-madhan” loo beddalay! Labo sanno horteed sidaa ayuu ahaa Sawirka guud ee Gobolka Daadmadheedh iyo xaalladiisa dhabta ahi, laga se gudub.

Labo sanno kadib ayaan haddana dib-u-daalacdaa, Waxaa aan arkaa muuqaal ka duwan muuqaalkii hore. Kolkaasna waan farxaa! Sababta aan furxay ma taqaan? Muqaalkii hore waxa beddelay ima wayddiinaysid mayaa? Iga hoo. Waxa yimi Gobolka Daadmadheedh masuul shiday iftiinkii bakhtiisnaa. Wac. Masuul furay xafiiskii madhnaa. Fakh. Masuul xardhay xaashiyihii caddaa. Waxa yimi  Masuul isku duway dhalliintii kala daadsaneyd. Waxaa soo ifbaxay Masuul u damqaday, u diirnaxay, una digigixday  danyartii dulmaneyd. La isma  caasiyome Masuulka aan ka hadlayaa waa Badhisaab Ku Xigeenka Gobolka Daadmadheedh Eng. Maxamed Cabdillaahi Cilmi oo diiwaanka Sooyaalka Gobolka Daadmadheedh baal-dahab ah ka galay.

Xaqiiqdu waxa ay tahay, Eng. Maxamed Cabdillaahi waxa uu qabtay hawl aad u culus oo mar la arag ah. Waxa uu qabtay wixii ay qaban kari waayeen badhisaabbaddii iyo ku xigeennadii ka danbeeyay Cali-Iid Cawil Cabdi –Alle cimrigiisa ha raajo e.  Kaas oo ahaa badhisaabkii ugu qiimaha badnaa ee soo mara Gobolka Daadmadheedh. Eng. Maxamed Cabdillaahi Cilmi na waa masuulka labaad ee Gobolka oo dansan dib u daaray. Xaqiiqdu na waa biyo-kama-dhibcaan.

Akhriste haddii aad i weyddiiso yaa kuu marag ah in uu Masuulkani darajadaas gaadhay? ama se aad i tidhaahdo ii tus ama i taabsii waxa uu qabtay. Anna waxa aan kuugu jawaabayaa, waxa ii marag ah inta maanka furan iyo qalbiga fayow. Waxqabadkiisana waxa marag u ah, waxyaabahan soo socda ee indho-fayow ku eeg:

 

  1. Waxa uu ku guuleystay in uu dib u  furo xafiiska Gobolka Daadmadheedh oo muddo labo sanno ah ahaa magac-u-yaal  ay wajahaddiisa ku qoran tahay “Xarunta Gobolka Daadmadheedh.”
  2. Waxa uu ku guuleystay in uu dib u agaasimo una dardargeliyo shaqadii iyo shaqaalihii dawladda ee muddada dheer kala xidhiidh go’sanaa
  3. Waxa uu gacan weyn ka geystay sidii loo xakameyn lahaa khamrigii faraha baas ku hayay Gobolka Daadmadheedh, taas ay Ciidanka Bileyska iyo taliyahoodu na ay ku leeyihiin darajada koowaad
  4. In uu dhalliinyarada dardargeliyay, kaalin weynna uu kaa qaatay sida loo xoogin lahaa dhismaha naadiyada ciyaaraha ee ka jira Degmada Oodweyne, isaga oo in bandanna ka caawiyay qarashka qabashada wareegyada iyo qarashka bixitaanka debedda ee Gobollada dalka ay ku tagaan
  5. Wuxuu soo afjaray musuqii ay xildhaannada Oodweyne ku hayeen deeqaha danyarta loogu talogalay, isaga si toos ah u gaadhsiiyay deeqaha iyo danyartii loogu talogalay
  6. In uu isku xidhay bulshada ku dhaqan Gobolka Daadmadheedh iyo dawladdooda oo muddooyinkii danbe ka dun furnaa
  7. In uu qayb laxaad leh ka qaatay mashruuca u ballaadhnaa Somaliland ee waxbeerista, kaas oo illaa hadda la sugaayo goosashadiisa
  8. In uu dib-u-heshiisiin ka dhex dhaliyay dadyow walaalo ah oo ku nool gobolka taas oo ay dhex martay shaqaaqo is-maan-dhaaf, taas oo uu si odaytinimo leh geedka hoostiisa ugu dhammeeyay
  9. In uu sahamintii shidaalka ka hawlgalay misana wacyigalin badan uu siiyay dadkii wax-ma-garatada ahaa ee sida qaldan u fahmay hawlaha shiidaalka
  10. In uu qaybta u badan ka qaatay dadkii barakacayaasha ahaa sidii loo deegaameyn lahaa loona siin lahaa gargaar degdeg ah
  11. Waxa uu kaalin laxaad leh ka geystay habeyntii iyo hirgalintii Naadiga Akhriska, Qoraalka iyo Dhaqanka ee Abwaan Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed”
  12. Iyo in uu xoojiyay xidhiidhka ka dhaxeeya degmooyinka Gobolka iyo deegaannada hoos yimaadda.

Intaas aan sheegay iyo in kale oo la mid ah ayuu Badhisaab Ku Xigeenku uu idamka Alle dartii uu Gobolka ka fuliyay ama uu ka qaybqaatay, ase waxaa arkaya intii dhego leh iyo indho leh, hadda indhaha iyo dhegaha aan sheegayaa ma aha kuwo wejiga iyo madaxa balse waa kuwa qalbi. Kuwa se aan lahayn waa iyaga  iyo yeelkood.

 

Mudane Eng. Maxamed Cabdillaahi, ma aha nebi, ma aha malag, mana aha mucsim, balse waa bashar, waana gefi karaa, sababta oo ah ma jiro qof aan gefin, qofka aan gefinna ma aha bashar, sidaa darteed gef waa ka dhici karaa sida ay aniga, adiga iyo aadmiga ba uga dhacaan, waxa se aan hubaa misana aan arkaa in Ingineerku uu godolkiisu (saxiisu) ka badan yahay gabnadiisa (qaladkiisa), sidaa darteed, waxa mudan in sida gefkiisa loo dhaliilo misana loo arko,  guushiisa na loo arko misana lagu dhiirrigeliyo, haddii kale waa gunnimo. Walow ay waagan jiraan dad samaanta u arka sagsaag, sagsaagana  u arka samaan! Kuwaas na waxa aan leeyahay:

Ninka galin horaadkiyo

Galabtii hadday tahay

Ama Uu habeen galo

Goobtii xafiiskiyo

Laga helo godkiisii

Maxamed Weeye ee garo..

 

Waxa aan ku soo koobayaa, Bulshayahay geesigaaga garab­ istaag oo u gargaar, geesiyoowna bulshadaada garab istaag oo u gargaar. Gamco wadajir bay wax ku gooyaan gacallayaal.

 

Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka”

awdaahir2050@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker