BAAFIN:- Dadka Ku Nool Magaalada Burco & Nawaaxigeeda Waxaa Si Naxariis leh Looga Codsanayaa Cidii Aragta gabadh Xiskeedu Aanu Dhameyn oo Luntay Inay Kusoo Hagaajiyaan Halkan

Dhamaan dadweynaha sharafta leh ee ku nool magaalada Burco & nawaaxigeeda ama gobolka Togdheer oo dhan waxaa si naxariis leh  looga codsanayaa inay naga caawiyaan inay noosoo sheegaan hadii ay arkaan gabadh hooyo ah oo xiskeedu aanuu dhameyn oo ka baxsatay gurigeedii sadex maalmood ka hor taasoo ay raadinayaan caruurteedii & ninkeedii,

 

gabadhan waxaa lagu magacaabaa Canab Qoorwaa waana gabadh dheer oo laf  leh oo cas. waxaa si naxariis leh idiinka codsanaya caruurteedii & Ninkeedii & ehelkeedii oo sadexdaa cishaba raadinayey inaad u soo sheegtaan hadii aad aragtaan iyadoo sadex maalmood ka hor goor habeen badh ah guriga ka baxsatay,

 

Fadlan hadii aad aragtaan ama aad war ka haysaan kala soo xidhiidh lambarka ninkeeda oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamuud.  Telka  0634310750 Ama Cabdirashiid 0634431441

 

Waad Mahadsan Tihiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker