BISADIIBAA YAABAY

BISADIIBAA YAABAY

Keene iyo kordhiye

Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib waxaan umalaynayaa

Inaad isweydiinayso maxaa odaygii aamusiiyay

Hadaba anoo suaashii calooshaada kala soo baxay

Waxaan kuugu jawaabay saaxiib wax ay uqalmaan oo hadala

Ama wax sheega ayaan jirin.

Meel inoo fayaw oo la taaban karo ma jirto hadaloo dhamina

Waa ku khasaare .

Kordhiye. Saaxiib aad baad ii malaysay waanad ii jawaabtay

Waar ma waxaad aragtay kolba laba ciyaalahoo caanii hooyadood

Weli calooshooda aanay ka dhammaan oo taladii iyo maamulkii

Dalka la kala wareegaya hadda waa meeshiiyoo rogmatay

Oo sicir barar iyo shaqo la,aan isku darsatay

Saaxiib cid kale iska daayoo  BISADIIBAA YAABAY  oo xaydh yaroo

Dhacday arki waa yay.

Waxaan odhan lahaa CAARE ha soo dhakhsado .

 

 

 

Guuleed liibaan  snm1710@livecom

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker