Xukuumadu Wey Ka Gaabisey Beelaha Sool Ku Diriraya Ugumayna Gurman Sidii Ceel-Afweyn

Marka laga Hadlo Xaqiiqda iyo Waaqiciga Taagan Run ahaantii Dad Kooban ayaa ka Naxa oo Wali Durbaankii Beenta ahaa ee Ololaha u Tumaya Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa Laakiin Inta Badan iyo Bulshadu Waxa ay ka Garaabaan in Qodobkaadi yahey mid ay Cadaalad Darro Kaga fal Celisey Oo La Iska weydiinayo Dhab ma aha Daacad kama aha in Xukuumada Muuse Biixi u qabto in Somaliland lawada leeyahey ama uu Yahey Qarankii Shaley Rajada laga ulanayey ee Bari iyo Galbeed.
Haddaan usoo dhaadhaco Nuxurka ujeedada Qoraalkaygan Waxa aynu Wada ognahey Sidii Balaadhneyd ee Gurmadka Xoogan aheyd ee aan loo kala hadhin Wadaad iyo Waranle Culimo iyo Caamaba ee Loogu gurmadey Gogosha loogu Dhigay Xukuumadu kharashka iyo Tacabka u galisey Colaadii Beelaha Ku Dhex martey Ceel-Afweyn labadaa beelood oo ahaa ama kasoo jeeday Beesha Dhexe(Isaaq), taas oo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin uu shan jeer ku noqnoqdey Wakhti badan iyo Dedaal badana galiyey Marka hoos loogu dhaadhacana beeshiisa iyo Beesha kale ee aan ka fogeyni Colaadu ku dhex martey Waxa Isweydiin leh Tolow isaga iyo Madaxweynaha miyaanay u Xisaabsaneyn Beelaha Dhulbahante ee Gudaha Gobolka Sool oo Xukuumadu Maamulkiisa gacanta ku hayso ku Diriraya ee Dhimashadu xadkaa gaadhey Mise Si kale iyo Cid kale ayay la Sugayaan maxey u galin Waayeen Juhdigii Baaqyaddii iyo Gulufkii ay galiyeen Ceel-Afweyn maxey ku kala Duwan Yihiin Shacabka Isku Dilaya Dhumey iyo Kuwii Ceel-Afweyn Xaqiiqdii Kama Muuqato oo Mataalo oo majirto Dedaalkii iyo Doorkii Xukuumadu ku laheyd Waxayna u muuqataa in Xukuumada Biixi isku Daawanayso Beelaha Dhulbahante oo aanay dan uga laheyn sidii ay ugu dedaalaysay Beesha Isaaq Waana Talaabo laga Dareemayo oo laga Tabayo Dal iyo Dibadba iyo Meel kasta oo ay Umada Soomaalidi ahi joogto Maalin Walba Waa loo Qorayaa Wadafka ay Gasho Xukuumadani Xaqiiqdiina Tani wey ugu Biireysaa Qodobada loo Calaamadinayo inkastoo aan hore u Sheegay in Shacabakan Dhulbahante oo Boqolkiiba Sagaal iyo Sagaashan Somaliland ayidsan Ku kala Jira Xisbiyadda in Markii Xukuumadani timid Khudabadihii Madaxweyne Biixi ay mar kaliya ka Dhigeen Boqolkiiba Boqol in aaney Somaliland Jeclaan Waxaa sabab u ahaa hadalkiisii iyo Xukuumadiisii.
Gabagabadiina haddii ay habdhaqankaa Foosha Xun ee Shacbiyadda Rajada ka Qaba Mustaqbalka Somaliland ee Beesha Dhulbahante u horeyso oo Maanta Xaqiiqdii u Baahan in Dib u dajin iyo Dib u Dhis iyo Mashaariic Hurumarineed loo Bilaabo si ay usoo gaadhaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka in haddana laga hagrado Nabedgalyadii oo aanay Xukuumadani Biixi u Gurmanin kala Dhex galin Gogol u Dhigin Dareen iyo Doc u Yeelan illaahayna Wuu arkaa Umadduna Wey aragtaa Markaa Arin Xumada iyo Tallo Xumadda iyo Dadkaa Dhinac la isaga faquuqayaa Waxey Keeni Doontaq Cawaaqib Xumo Ay Somaliland.dhaxasiiso Waxaanaynu ka baryeynaa Eebe Isagaa Qaadir ahe in aanu Inaku Eegin Xukuumadan Askarta ee Soo afjareyso.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker