RAGGA NAAXAY NAAXAY EE LAGA NAAXI WAAYEY

AGOONTII KA HADHAY GENERAL GABRE SALAASE.

Waxaa nasiib darro ah, dad haysta magaca Soomaali, sheeganaayana inay maamulaan dal iyo dad Soomaaliyeed inay camiil u noqdaan oo ay u shaqeeyaan dawlado cadaw ah oo shisheeye, iyagoo kaliya xeerinaaya danahoda gaarka ah.

Nimankan NAAXAY NAAXAY ee ISKA NAAXAY ee LAGA NAAXI WAAYEY, adeer miyey na daayaan, qaarkood labaatan sano ayay ku jireen hanti urursi iyo dad qalnimo, ka ugu yar baa shan sano iyo dheeraad soo taagnaa, bangiyada looga furay Emaaraatka iyo Kenya ka ugu yar baa boqolaal milyan oo Doollar ugu jiraan.

Waxay sheegtaan madaxweynayaal, waxay ku suntan yihiin aayaddii qur’aanka kariimka ah ee lahayd: “ILAAHAY QOOMNA MA BEDDELO ILAA IYAGU AY NAFAHOODA BEDDELAAN”. Ninka madaxda ahi ma xumaado haddii ay bulshada uu u taliyaa fiican yihiin. Markaa dabadhillifyadan Ilaahay u soo diray ummadda Soomaaliyeed inay dillaalaan waxay og yihiin oo ay qol madaw ku soo xidheen kuwii ay matalayeen, waa CABDI-ILAYYO ayuun baan dhihi karnaa macnihii oo kooban.

Raggii ragga ahaa maanta haddii ay nool yihiin xabbad laguma khasaariyeene waa la daldali lahaa, sababtoo ah wax qiima ah oo ay leeyihiin ayaan jirin; horay Soomaalidu u tidhi “NIN SOORI KAA QAADDAY WAXAA DHAAMA NINKII AY SEEFI KAA QAADDO”.  Ilaahaw kuwan ummadda Soomaaliyeed ka qabo. AAMIIN.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay nimankan meel iska saaraan, cadaw dibadeed waxba innaga qaadi mayo, balse tuuggan innala deggan ee aan isku maqaarka nahay, caqligiina Ilaahay ka galiyey  caloosha iyo hunguriga ayaa u daran.

Bal inta dawladood ee soo isticmaashay aan idiin tiriyo, Waa Kenya, Itoobiya, Sacuudiga iyo Imaaraatka oo ay hadda caruusay, waxaan u malaynayaa waxa uu kula jiraa bishii HONEY-MOONKA (Honey moon).

Duulkani waxay hortaagan yihiin inay ka shaqayn waydo dawladdi dhammayd ee Soomaaliyeed oo la rabay inay waddanka ku soo dabbaasho nabadgelyo iyo dawladnimo loo dhan yahay, sababta ay u samaynayaanna waxaa weeye iyagaa meesha ka baxaaya, isla markaana ceebahoodii baa la ogaanayaa, bal maxay ku diidayaan warqaddii uu u soo qoray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliyeed Dr. Cabdiraxmaan Beyle, oo aan ognahay daacadnimadiisa iyo waddani jacaylkiisa, wasiirkaas oo aqoontiisii iyo naftiisiiba u huray dawladnimada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed. Maanta ma garanaayo qof aan barbar dhigo oo uga lexejeclo badan ummadda la bahdilay ee ay hilbahooda booobayaan cadawga dibadda iyo kan gudaha oo ay ugu horreeyaan dabadhillifyadani iska NAAXAY NAAXAY, kolley xaaraan bay ka dhergeen, waxaanse aad uga xumahay haddii ay carruur iyo xaasas leeyihiin oo ay xaaraantaasi ka dhergiyaan.

Xukuumadda ay madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre waxaan ku garab taagannahay dadaalkooda iyo horuumarka ay u horseedayaan waddankiii aan jeclayn ee aan u naqaannay “Jamhuuryaddii Dimuqraadiga ee Soomaaliya”,

Ugu dambayn waxaan ka codsanayaa cid kasta oo maqaalkaygan akhrida inay Ilaahay hortii iila baryaan inuu innaga qabto cadawga Gudaha iyo kan dibaddaba.

 

 

Wabillaahi Tawfiiq.

libaax xaaji

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker