QAWDA MAQASHII WAXNA HAW QABAN

Warbaahinta qaarkeed markaan ku arkay maareeyaha wadooyinka Somaliland
Mr.Cismaan Aw Cabdi, oo shaashadaha warbaahinta ka muuqda oo leh “waxa
la bilaabmay dhismihii buundadii isku xidhaysay magaalada Borama iyo
Jaamacada Camuud oo uu hore M/weynaha Somaliland u dhagax dhigay,
sheegayna in gudida qandaraaska qaranku ay baahin doonto bixinta
qandaraaska buundada”

Hadaba markaan warkaa maqlay, waxaan is weydiiyey goorta gudida
qandaraaska qaranku ay baahiyeen ee la bixiyey qandaraaska buundada?
Waayo aniga qudheyda ayaaba ka mid ahaa shirkadihii sugayey ka qeyb
qaadashada tartanka qandaraaska buundada. Kadibna si aan xog buuxda
usoo helo waxaan lug ku tagay goobtii uu maareeyuhu lahaa waxa ka
bilaabmay shaqadii dhismaha buundada. Markaan goobtii gaadhay maan
arag wax shaqo dhismaha buundada ah oo meesha ka socday, kadibna
markaan weydiiyey dadkii goobta ku sugnaa waxay ii sheegeen “inaanay
jirin wax shaqo rasmiya oo iminka meesha ka socotaa, welina ma jirto
wax nashqad iyo qiimeyn ah oo buundada loo sameeyey, isla markaana uu
maareeyaha wadooyinku uu meesha u yimi inuu sawir iskaga qaado oo
keliya”

Sidaas darteed, waxa halkaa markiiba iiga cadaatay in warkii
maareeyuhu sheegayay uu macnahiisu ahaa igu-sawir oo keliya. Runtiina
waxa fiican in dadka masuuliyiinta dawlada ahi ay waxaas oo ka
waantoobaan, cidii waxaas oo kale ku kacdana waxa fiican in m/weynuhu
uu talaabada ku haboon ka qaado si aanay sharafta iyo karaamada
dawladu u dhiman.

 

Maxamed Nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker