Puntland Abaalkeeda, Somaliland Waxay Taageero Siin Doontaa Cid kasta oo Ku lid ah Puntland.

Dabayaaqadii 2002-dii dagaalkii Puntland ka dhacay ayaa u dhexeeyay laba dhinac oo isku hayey talada Puntland, labada garab waxa kala hogaaminayey Madaxweynihii kumeel gaadh ahaa iyo Cadde Muuse Xirsi oo Madaxweyne ku xigeen ahaa, dagaalkaa ka dib ciidankii Cadde Muuse u baxeen dhanka Gobolka Sanaag halkaas oo ay saldhig ka dhigteen, waxa ayna ku dhawaaqeen Jamhad la baxdey Golaha Badbaadinta Puntland (GBP), waxaana hogaamiye ka dhigteen Cadde Muuse Xirsi, waxaa kale oo la sameeyay Gole dhexe iyo mid Fulin, waxay bilaabeen inay u diyaar garoobaan dagaal urursi Hub iyo Ciidan xoogan waxana kusoo biirey ciidamo badan oo ka goostay Puntland, waxa ay noqdeen cudud aan la dhayalsan.

Madax dhaqameen fara badan oo ay ka mid ahaayeen Boqor Cimaan Aw-Maxamuud (Buurmadow) iyo Suldaanka Guud ee beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo reer Somaliland ahaa kana soo jeeday Gobolka Sanaag ayaa sabab u ahaa inay Doorshadii Cabdilaahi Yuusuf kadib ka shaqeeyay kuna guulaysaty sidii colaada Nabad loogu dhamayn lahaa, waxaana la wada sameeyay dawlad uu Madaxweyne ku xigeen ka yahay Cadde Muuse, Cabdilaahi Yuusuf na Madaxweyne.

 

MAANTA haddii ay Puntland gara wayday inay Somaliland qayb ka ahayd badbaadintii Puntland, taas bdelkeedana abaalkeedii noqday inay Col. Caarre taageero Hiil iyo Hooba leh siiso si uu Somaliland Colaad cusub uga abuuro, hadaba Puntland ha u diyaar garawdo dhibta ay ku keeni doonto, Somaliland na waxa ay taageeri doontaa weliba hub iyo dhaqaalaba siin doonto Cid kasta oo doonaysa in ay Garoowe ku qabsato dagaal weliba muddo yar oo kooban ku qabsan kara Caasimada Garoowe taasina wax walba uga fudud Somaliland.

 

Mohamed Ali Shire

Realmohamedone@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker