Dagaal Maalintii Saddexaad Ka Socda Koonfurta Gobolka Sool

Laascaanood (OWN) Waxa isa soo taraya Baaqyada nabaddeed ee loo dirayo Beello walaalo ah oo uu dagaal ehli ahi ku dhex marayo maalintii saddexaad  Deegaamo ku teedsan Koonfurta Gobolka Sool.

Dagaalkan oo bilaabmay Khamiistii la soo dhaafay, sababayna Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac, ayaa sida lagu soo waramayo ku fiday deegaamo badan oo ay labada beelood wada deegaan.

Xubno isugu jira, culimo awdiin, Siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameedyo ka soo jeeda Gobolkaas iyo deegaamo kale, oo si goonigooni ah Warbaahinta ugula hadlay Magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood, ayaa ugu baaqay labada Ardaa ee Colaadu u dhaxayso inay deg deg xabbada u joojiyaan, xal iyo Waan-waan nabadeedna ku soo dabaalaan xiisada u dhaxaysa.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Maxamuud Cigaal (Jaamac Shabeel) iyo xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa walaac weyn ka muujiyey shaqaaqadan, waxaanay Xukuumadda Somaliland, Waxgaradka iyo hogaan-dhaqameedka Gobolka Sool ugu baaqeen in gurmad culus laga galo damin colaadaasi, iyagoo qabaa’ilka is-dilayana kula taliyey  in laga gudbay xilligii Xabad iyo Xinjir la qubo lagu wada xaajoon lahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker