Wasiirka Cayaaraha Somaliland Oo La Ogaadey Sababta Jiif-Caaqilkiisu Ugu biiray Jabhadda Col-Caarre.

 

Qardho(OWN) Jiif-Caaqil C/laahi Jiif-Caaqil Faarax Dhoorre oo ah Chief-caaqilka Xabbaadha/Ardaaga uu kasoo jeedo Wasiir-Boos Mire isku jifi hoosena weliba ay yihiin wuxu kamid ahaa xubno badhtamihii sannadkan Col-Caarre iyo wefti weheliyey u raacay caasimadda Puntland ee Garoowe halkaas oo ah u tageen si ay wada-hadal iyo heshiis ulasoo galaan Madaxda Maammulka Puntland.

Kumana ekayn jiif-caaqilkan oo keliya xubnaha beesha wasiirkaas kaga jirey weftigaas balse waxa jirey xubno kale oo isugu jirey Saraakiil ciidan, Xubno gole degaan, Dhallinyaro iyo waxgarad kale oo iyaguna kasoo jeeda Xabbaadha/Ardaaga Wasiir Boos Mire oo iyaguna weftigaas kamid ahaa.

 

Waxana weftigaasi kolkii ay kasoo laabteen Puntland ay tageen magaalada Goof ee koonfuta Ceerigaabo oo xilligaas fadhiisin u ahayd Col-Caarre iyo ciidankiisa, xilligaas oo Wasiir-Boos Mire kusugnaa gudaha magaalada Ceel-afweyn oo qiyaastii hal saac in kayar loo kala socdo.

 

Balse nasiib darro Goof oo ah magaalada uu kasoo jeedo wasiirkaasi ma tegin kamana war doonin weftigaas Puntland kasoo laabtay ee xubnaha beeshiisa ahina ka mid ahaayeen wax wada hadal ahna lama samayn iyaga iyo Col-Caarre toonna, wuxuse taas ka door biday in xubnihii Puntland tegey oo loo arkayey denbiilayaal uu intii beeshiisa ahayd oo aan Chief-caaqilkiisu kujirin cafis uga raadiyo Xukuumadda Muuse Biixi ee uu wasiirka u yahay, taasoo uu ku guulaystey, islamarkaasna aan la ogayn sababta uu Jiif-caaqilkiisa uga reebay cafis u raadinta xubnaha beeshiisa ah ee Puntlan tegey, maaddaama uu samayn karayey wasiirku in aanu Jiif-caaqilkiisa ka reebin xubnaha kale oo beeshiisa ee uu cafiska u raadinayey.

 

Sidoo kale xiliigii nabadaynta beelaha Ceel-afweyn cuqaashii beelaha kale ee nabadda Ceel-afweyn loo dhaariyey kama mid noqon  Jiif-Caaqil C/laahi Jiif-Caaqil Faarax Dhoorre isagoo taas uga cabsooday in haddii uu Ceel-afweyn tago wasiirkiisu xidhayo.

 

Waxana arrimahan aynu kor kusoo sheegnay Jiif-Caaqil C/laahi Jiif-Caaqil Faarax Dhoorre ka dhigeen mid ay kala irdhoobey sidoo kalena is-aamminsanaani kala dhextaallo Wasiir-Boos Mire oo ah Wasiirkiisii.

 

Waxayna arrinta Jiif-Caaqil C/laahi Jiif-Caaqil Faarax Dhoorre noqotay “Nin qoyani biyo iskama dhawro” wuxuna go’aansaday inuu si buuxda ugu biiro Jabhadda Col-Caarre ee fadhiisinkeedu yahay duleedka Magaala-madaxda gobolka Karkaar ee Qardho.

Oodweynenews.com/Qardho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker