Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Soo Dhaweeyey Digreetadii Madaxweynuhu Ku Laalay Cashuur Dhaafka

“Waa cadaalad daro in nin ganacsade ahna cashuur dhaaf la siiyo nina laga cashuuro oo suuqa isagu yimaadaan”

Hargeysa(OWN)-Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac ayaa soo dhaweeyey Digreetadii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku laalay cashuur dhaafkii loo samayn jiray Ganacsatada taasi oo uu ku tilmaamay inay ahayd cadaalad daro loo samayn jiray ganacsatada qaarkood.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxa uu yidhi “siduu madaxweynuhu digreetadiisa ku xusay waxa jirta badeecad cashuur dhaaf la siiyo oo sife ganacsi leh oo muwaadinka toos looga iibinaayo, oo waliba qaarkamida dad ajaanib ah la siiyo”

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in 100% uu ku raacsan yahay Madaxweynaha laalistaas Cashuur dhaafka isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” waan ku raacsanay arintaas 100% madaxweynaha waayo waa cadaalad-daro in nina badeecadiisa kusoo helo cashuur dhaaf nina laga cashuuro oo suuqa iskugu yimaadaan, waanu ku saxan yahay madaxweynuhu , indhawaydna albaabkaasu wuu furmay oo ninba si uu kusoo helaba uu badeecadiisa cashuur dhaaf dekeda kula soo maraayey , ayaa jiray oo qaar muwaadiniin ah iyo qaar ajaanib ah oo muwaadiniin wada socdaan-ba, oo maalgalin ayaanu samaynaynaa kusoo gabanaayey ayaa jiray, oo badeecadu markay suuqa soo gasho caadi loogu iibinaayey”

Dhinaca kale Gudoomiyaha Rugta Ganacsigu waxa uu xusay in iyagu aanay gudbin balse ay aad usoo dhawaynayaan Digreetadaas Madaxweynahu soo saaray.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac ayaa sidoo kale xusay inuu Gudoomiye ahaan yahay masuulka Ganacsatada Somaliland, isla markaasina Afkooda kaliya isagu ku hadli karo, isagoo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi” Afhayeenka Rugta Ganacsigu waa Gudoomiyaha Rugta hadba ninka ah, markaa wixi rasmiya ee ganacsatada Somaliland khuseeya anuun-baa ku hadli kara,taana waanu ka wada hadalnay iyaguna way ka garaabeen, waanan iskaga noqon-doonaa xukuumada in loo sameeyo wixii loo samayn karo , maadama ay iyagu duruuf gaara leeyihiin.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md. Maxamed Shukri Jaamac ayaa gabagabadii waxa uu fariin u diray Warshadley Somaliland waxaanu yidhi” kumana shaqayno dhaqanka Rugta Ganacsigana maaha in cashada iyo tabashadayada xukuumada aanu warbaahinta u marino, saxna maaha. Hadii Alle yidhaahda waanu balan-sanahay , waanu eegaynaa duruufahooda gaar ahaaneed iyo jira, wixii aan ogahay iyo wixii ay igu biiriyaanba waanu ula-tagidoonaa Madaxweynaha iyo Waasiiradaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker