Waa mid haboon in si guud Soomalidu u ogaato Itoobiyan waa ” Itoobiyan ” marka ay ka soo horjeeda Somaali

Waa mid haboon in si guud Soomalidu u ogaato Itoobiyan waa ” Itoobiyan ” marka ay ka soo horjeeda Somaali .

Soomali waa “Soomali ” marka ay Itoobiyan ka soo horjeedaan.

Marka halka waxa kaga soo baxay mid Oromo ah,,iyo mid Axmaar ahiba hada ” isha” Cawaran ee Dhinaca xun ee aan naxarista lahayn ayuu ku jeleecaya.

Hadii iley u shaqeyn jiray Tigrey. Ina Cagjar na waxa uu u shaqeyna Oromo.

Waa in intaa si wanaagsan loo fahma waxa Itoobiyan aragtida uu soomali ka haysto si guud tahay Cadowgood koobaad  mid ay Maamulan iyo mid kale oo ka madaxbanaanba  .

Inta waxa ku soo raaca Ninka Soomaliga ahi wax kasta oo uu soomali kasta ku sameeyo waa mid soomalida ka dhaxaysa Xume iyo Samee noocay doonto ahaate.

Laakiin Waranka iyo Gumada qof kale si badheedh ah iyo si dadban ii gaadh siiyo waxay ii dam-qaysa si gaar ah oo Cadaw ah oo ka Xanuun ka soomàliga ah Dhibaatadiisa iyo Xumaantiisu ii damqayn sababtuna waa soomalinimada . Bal kaliya Soomalida Dhulkasi ha gartaan waxa sabab u ah in  gacanta  ugu horeysa soomali ahaan loogu soo taagay ?ee aan cid kale oo Itoobiya ah aan loogu taagin.   Waxa si sharciya Itoobiya ka  dhaqan-galay in cid kasta oo Xukunkeeda qabta  ay ku tijibaaso   dhulka Soomalida waxa na u sabaab ah waxay aaminsan yihiin inaan soomalidu Itoobiyaan ahayeyn noqon doonina  balse wax dhibaato weyn heysata Soomalida oo  aan  igu  lahayn dareenka iyo digtoonaan toon iyago  dhulkood iyo dalkoodiiba la heysto waliba dhibaatad aan ognahay ku sugan yihiin hadan iyagii isku dhinac iyo wada jir ka la gudboona u kala dheereyn iyo kala dacwoon, kala qaysanaan  ay tahay mid u hoy iyo hu u noqotay .

Waxa aan maqlaya in  qayb ka  mid ah soomalida oo u Ciyaaraysa Ninka Oromada si xad-dhaaf ah balse aan war iyo wacaal Toona ka hayn waxa uu ahaa ka hor intii aanu Ra,iisal wasaare noqon. Arimo  ka xun kuwa  iley ayuu ahaa mid qabta marka ay timaado” Shaqo iyo Bidhi-wale nimo” waliba waxa uu ahaa Ninķa loo u xilsaaran Degaankiisa in Dhinaca Warbaahinta Jabsada Emailada iyo dhibaatooyinka qorsheysan ee ay fulin jireen Ciidamada Sirdoonka ee Itoobiya sido kale waxa uu soo qabatay ila caruurnimadiisi  Askari Sirdoon, iyo Sarkaal sare  iyo nooc kasta oo uu yahay qof si gaar ah loo rabaystay waanna waxa yalaha u horseeday in laga ogolaado inuu isu taago buuuxinta Ra,iisal wassaranimad ee banaaneyd . Si kasta ba ahaate waxa kasta uu baday gaar ahaan Oromada oo waliba kuwa Muslimka ahi ugu badnaayeen hadan markii la yidhi qofka isu taagi kara Jagada hogaanka  waxay soo sharaxeen isaga  waayo waxay ka raaceen oromonimad ee dhinac Diinta iyo dhaqanka Falaalkii xuma ee uu guysan jirey waa ay ilaaween iyo kala qaybsanaantii dhexdooda mid baaney u noqdeen arimah cusub ee isbedelayey . Halka soomalidu Hadafkeedu ahaa  isku dhex mashquulsaneyd iyadu gudaheeda.

Ma garan karo Soomalida sida ay Cadaalad iyo Xaqsornimo u taqaan?. Qaar ba ku Doodaya inay Cadaalad ay soo iftiintey. Iley iyo Axmed Abiya marka la eego xaga dulmiga iyo dabao dhilifnimda  waxa barro dheeranaya Abiya ina iley. Soomalida waxa la gudboon inay Dantooda iyo midnimadood Soomalinimo ku jirto ku dhaqaaqan intay iska daayan kale dhan taalanka iyo kala qayb sanaanta dhexdooda. Waxa  durtaba  debedda u soo baxay in  kala huleel jiro  Shiraar kala soo horjeeda na la qabanaayo iyadoo dhinac walba  celaalyo u diranaayo Addis Ababa iyo Ninka lagu magacaabo  Abiya  xukumadiisa Oromaysan ee aan axaran u hayn soomali nooc kasta ay tahay ba mid u orda iyo mid dib isaga taagaba .

Waxa jirta inta badan Soomalidu inay hadh-galay siday u joogto ay Anbato.

Waxa aan odhan kara waa Maalmihi soomalidu Anban jireen hadh-galay mar hadiiba aanay si guud u fahmeyn waxa Xaalkoodu yahay iyo halka la la marayo lana doorbidaayo meelo kale oo aan soomalidu ka fikreyn in dhegta dhiiga loogu darro Wakhti aan dheerayn.

Alle ha u gar gaaro soomalida oo caqli salm ah ha siiyo xuma iyo samaha ku kala saarto iyo wax la gudboon iyo wax aan la gudbooneyn .

Abokor Mohamoud

abokorm@hotmail.co.uk

Waa billahi Towfiiq

—————————-

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker