Muuse Biixi oo ku andacoodey Kor, Caare haysoo Gudbiyo Cabashadiisa.

Muuse Biixi oo ku andacoodey Kor, Caare haysoo Gudbiyo Cabashadiisa.
                                                 Muuse Shirkii G/Libaax ayuu dhegeysan waayey, Cabashadii Shacabka ee
                                                Cadaalad ayuu dhegeysan waayey, Xisbiga Wadani & Komishinka ma aqoon-
                                                sanin ayuu dhegeysan waayey, Kolkaa Muuse saw Riyo kuma jiro.
Muuse Biixi kursigii uu Daalinkii Siilaanyo u boobay, Shicibku waxay ugu qanceen & Xisbigii Wadani waxbuu
bedeli, Cadaalad ayuu samayn, Somaliland lawada leeyahay & Xukuumad loo dhan yahay ayuu soo dhisi.
Laakiin Muuse Macalinkiisi Aabaha Qabyaalada, Eexda, Dulmiga & Kala Dirka Umada caanka ku ahaa ee Siilaanyo
Qabiileystee ayuu Casharkiisii qaatey, kolkaasi Shicibkii waxay abuureen inaanay Sideedii Sane ee Siilaanyo Umada
cabudhinta, Caga juglaynta, Eexda, & Nin Jeclaysiga ku maamulayey, aanay Muuse Shaani dib uugu dul qaadan.
Hadaba, Shirkii G/Libaax qodobo S/and oo dhan u dana ayaa ka soo baxay, oo ah Cadaalad 7 wax wada lahaansho
Muuse wuu iska dhega tirey inuu dhegeysto, Xisbiga wadani oo uu boobay codkoodii oo u tanaasulay Wadanka &
Umada ayaa diidey inaanay aqoonsanayn Komishinka Xaaraanta, Muuse wuu diidey inuu wax ka qabato oo
Komishinkaa kala diro.
Bal Hadaba, Muuse Jaahil isagoo cabashooyinka, Umada, kuwaa Xisbiga Wadani, kuwaa Shirkii Gacanlibaax inuu
ka jawaabo ama wax ka qabto diidey, ayuu ku andacoodey Caare oo Wadanka debeda uga baxay Dagaal ku baaqayJabhad samaystey, Saraakiil & Dad badani raaceen ku taageereen Cadaalada darada uu ka baxay, oo Gude & debedba taageero badan ku helay
inuu Cabashadiisa Caare u soo gudbiyo si uu u dhegeysto.
Muuse Hurdaaye oo ku riyoodey Caare hays gudbiyo cabshadiisa, oo kolkuu Sanaag joogey ee aanu Dagaal ku baaqin
ee aanu Jabhad samaysan waadigii iska dhega tirey, ee Muusaw ma hadaad Cabasho dhegaysanaysaa, aan cidiuba kuu
soo gudbinayn.
Sidaas Darteed, Muusaw adiga & Kaahin & Taani Xukuumadii Jeegaanta Rag weydin hayaa ee isdhega tirkii & Cagta
ayaanu marinaynaa Caare & Gacantaan ku soo dhigaynaa, waa maxay cabaadka & abshada aad ka dambaysiiseen
Caaraw Cabashadaada noo soo gudbi.
Muusaw Rag Ciil Cadaab ayuu ka doortey, Caare Cadaalad daradii wuxuu ka doortey, inuu cadaalad doono oo uu
la dagaalamo Cadaalad Darada, Muuse, Kaahin & Taani & Jeegaantu Beelihii Somaliland ku hayso.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker