DIGNIIN KU SOCOTA ARDAYDA KA QALIN JEBISAY JAAMACADAHA

Ma Ogtahay In Dhalinyaro Badan Oo Bartay Heerna Ka Gaadhay Cilmiga Maadiga Iyo Diintaba Oo Dahabshiil U Shaqayn Jiray Ay Maanta Suuqyada Meeraystaan Iyagoo Isku Buuqsan.Qaarna Ay Ciilkii Badaha Isku Tuureen,Kadib Markii Ay Wanjaleen Oo ka Been Abuureen Kuwo Maamulka Shirkada Ka Mid Ah,Cadaalad Ka Celisana Ay Waayeen.

Imisa Wiil Bay Dhaheen E-DAHAB Ayuu Is Dhaafiyay,

Imisa Ayay Dheheen Lacag Xawaaladeed Ayaa Dhinac Kale Martay.

Imisay Dheheen Wuu Soc Socod Badan Yahay

Imisay Dheheen Indhihiisa Ayaanu Ka Shakinay.

Imisay Dheheen Waxaanu Maqalnay Dad Aan Caadi Ahayn Inuu Ku Xidhan Yahay Kolkuu Shaqada Ka Baxo..

Dhalinyaro Badan Oo Walaahay Qaarkood Umadda Quraanka U Dhigi Jireen,Ayaa Iska Dhaaf Wax Ay Ka Faaiidaan Dahabshiile,,Qaantii Ay Ku Wanjaleen Suuqa Laga Ururiyay.

Qaarbaa Fadeexadii Ay Suuqa U Geliyeen Somaliland Uga Haajiray.

Qaar Baa Saxaarihii Suudaan Ciilkii Ku Dhintay.

Qaarbaa Suuqa Hargeysa Iyo Burco Wareega Iyagoo Isku Buuqsan.Oo Weli Dhowraya Inta Xaqu Dillaacayo.Waana Xaqiiq In Xaqu Soo Bixi Doono Xilli Ay Noqotaba

Cabdi-rashiid Dahabshiil Waxaa La Gudboon In Xaqdarada Ay Kula Kacaan Qaybo Ka Mid Ah Maamulka Shirkadu Dhalinyaro Aan Denbi Lahayn Oo Daahir Ah,Hadii Aad Iska Gaadhi Waydaan Oo Baadhitaan Madax Banaan U Diri Waydo,In Cuqubadu Cidda Ay Ku Dhacaysaa Noqon Doonto Maalkiina Iyo Ubadkiina..

Hadaa Tahay Nin Shayaadiinta Kuu Shaqaysa Sharkooda Bari Ka Ah,Xaqa Bani Aadamkana Iska Ilaaliya Bal Samee Baadhitaan Oo Waxaad Ku Tidhaa Ii Keena Liiska Shaqaalaha Laga Caydhiyay Shirkada Sanadihii U Danbeeyay Kadibna Mid Kasta Asbaabaha Lagu Eryay Ee Lagu Magic Dilay,Iyadoo Cid Kale Meesha Looga Saarayo Baadhitaan Ku Samee……

Dhalinyaradan Jaamacadaha Ka Qalin Jebisay Ee Maamulka Shirkadu U Balanqaadayo,Waxaan Oran Lahaa Waa Af Gobaadsi Macmiisha Lagu Sii Badsanayo Bulshadaa Hadalkan Quruxda Badan Lagu Kasbanayaa,Intaad Waalan Lahaydeen,Ama Wiiqmi Lahaydeen,Arsaaq Kale Waydiista Ilaahay.

 

halyey cabdi nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker