QAABKII AY U DHACDAY QALINJEBINTII ARDAYDA JAACADA HARGEYSA

Waxay ahayd Madal Bilan, leh Midabo kala du-duwan oo Arday, Waalid, Macalimiin, Xukuumad, Siyaasiyiin, Marti-sharaf, Saxaafad iyo Ciidanka Ilaalada Madaxweynuhuba soo Buux-dhaafiyeen.

 

Ugu Horayn Waxaa  Hambalyeynayaa 937 Arday ee ka Qalinjebisay Laamaha kala duwan ee Jaamacada iyo Waalidkii u soo dhabar-adaygay inay Caruurtooda halkan soo Gaadhsiiyaan. Waxaan Illahay uga Baryayaa Ardaydani inay noqdaan kuwo Cilmiyada ay barteen ku Manaafacaadsada, Dalka iyo Dakana wax ugu qabta.

 

Waxaan rabaa inaan wax-yar ka idhaahdo Qaabka Madashii Bilnayd hal mar isu bedeshay, taas oo noqotay Madal Siyaasadeed:
Ugu horayn, Xidhiidhiyihii Madashu wuxuu digniin u diray Xisbiyada Mucaaradka ah, isagoo Xadiday Wakhtigooda iyo Qaabka hadalkoodaba, ayna ka muuqatay inuu isagu wuxuu rabo Afka u geliyo, una sheego Qaabka ay u hadlayaan Xubnaha u hadlayey Xisbiyada Mucaaradka.

 

Xisbigii Waddani, ayaa ugu horaynba loo yeedhay oo Goobta hadalka Xisbiyada loogu horeysiiyey, Taas oo macnaheedu ahayd in la is-dhaafiyo “Wakhtigiisa & Hadalkiisaba waa la xadiday”. Xisbiga Waddani wuxuu muujiyey bisayl siyaasadeed, wuxuuna ku baaqay in Xukuumadu ardayda la garab-istaagto waxqabad muuqda.

 

Xisbiga Ucid, oo lagu Xejiyey, waxaa u hadlay nin Shaashadaha Siyaasada ku Cusub, Cabban, oo ay ka Muuqatay inuu Madaxweyne Muse is-barayey “Waxaa iskaga khaldamay Afkii Xisbiga uu ku hadlayey iyo Kii Reerkiisa”.

 

Xisbiga Kulmiye, waxaa u hadlay Nin aan la sheegin Xilka uu Xisbiga u hayo, balse ay cadayd inuu Dagaal adag u galay siduu Madaxweynaha isu tusi-lahaa. Ninkani waxuu madashii si cad Madaxweynaha hortiisa isugu lamaaniyey Xisbiga Waddani iyo Tabashada Ciidamada ka dhexjirta “Waxaa ka muuqday Dagaal, Aflagaado iyo Erayo aan Goobtan oo kale loogu talo-gelin”.

 

Wasiirka Waxbarashada, Wuxuu ahaa nin aan Maamuuskiisii la siin, isaguna hadalkii wuu ku raftay oo ku galgashay, Wuxuuna cadeeyey in Waxbarashada Dalku aad u liidato oo ay ka hoosayso Caalamkoo dhan iyo Dalaka Deriskaba “Niyad jab buu ku riday Ardaydii Qalin jebinaysay”; Wuxuu kaloo Wasiirku muujiyey inuusan kaba-qayb-gelin Xafladaha Qalin-jebinta Jaamacadaha kale ee Gobolada Dalka. Ma jirin wax Qorshe ah oo Wasiirkani la hor yimid ardaydan Qalin-jebinaysay.

 

Qudbadii Madaxweynaha; Waxay ahayd Qudbad aan ka turjumayn Xaaladan uu ku dhex-sugnaa ee ahayd inuu la Qaybsado farxada Ardaydan Qalin-jebinaysay; Niyadana u dhiso Xubnihii ugu sareeyey. Madaxweynuhu wuxuu wakhti dheer ku lumiyey ka sheekaynta Gadhkiisa oo Cadaa. Madaxweynuhu, wuxuu ardaydii Qalin-jebinaysay ugu hanjabay inuu weli diyaar u yahay inuu Gacmahooda Dhiig ka keeno. Wuxuu soo dhoweeyey Isbedelka Dalalka deriska ah, wuxuuna waxba kama jiraan ka dhigay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya isagoo si cad u yidhi “Waxaa ina kala Qoqobay oo xadka inoo dhigay Niman inagu soo duulay oo ina Gumaystay”; Taas oo macnaheedu yahay “Waxaynu ahayn welina nahay isku Dal”. Dhinaca kale wuxuu madaxweynuhu Xad iyo Xuduud Muqadas ah ku tilmaamay, Xadka Somaliland la leedahay Somaliya “Markee buu Madaxweynuhu Saxsan yahay”.

 

Madaxweynuhu wuxuu aad ugu dheeraaday Qaabka Somaliya ula dhaqanto Somaliland, isagoo mar ay Afkiisa ka soo baxday Erayga “Awoowayaashood”, aan ka Naxay inuu raaciyo wixii looga digay mar-hore ee ahaa Wax-ka-sheega Awoowayaasha Deriska. Madaxweynuhu marna hadalkiisa kuma soo darin Xaaladaha Gudaha ee Dalku ku sugan yahay; Wuxuuna hadalkiisii ku soo dhameeyey, Hanjabaad, Faro-taag-taag iyo Cadho badan oo Wejigiisa ka muuqatay.

 

Gebo-gabo: Ardaydan tirada badan ee Qalin-jebinaysay ma helin, Masuul niyada u dhisa, u iftiimiya Waxqabad iyo Shaqo-abuuris dhab ah, Waxayna goobtii Qalinjebinta ardaydii ka huleeleen iyagoo Cago-jiidaya, Sawiro badan lala galay oon Garanayn halka ay ku foofi doonaan Berito marka waagu u beryo oon ka ahayn, Makhaaxiyaha iyo Sawiro Niyad dhis ah oo raxan raxan loogu galo goobo kala duwan.

 

Aniga, oo daawaday Guud ahaan Qalin-jebintii ardayda iyo Qaabkii ay u dhacday, Waxaan kula dardaarmayaa Ardaydan inay ka shaqeeyaan sidii ay Cilmigooda iyo Cududooda u midayn lahaayeen, iyagoo isku duubana u samaysan lahaayeen qorshe ay kaga gudbaan Xaaladaha adag ee dalka yaal, maadaama aysan muuqan Xukuumad wax-u-qabadkiina u diyaarsani “Ha ilaawina sidaas buu Waalidkii wax idin soo barayna idinku sugayaa”.

 

 

Qasim A Saleebaan
KassLmn@aol.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker