Ku Socota Dhammaan Dhakhaatiirta, Wasaaradda Caafimaadka, Canacsata Dawooyinka soo Dejisa iyo dadka meherdaha ku iibiya Pharmacists)

Anigoo ah Dr. Aden A. Ismail (Beergeel) waxa aan dhawaan socdaalkaygii sannadlaha ahaa ku tagay Somaliland. Sidii caadada ii ahayd ilaa 2001kii waxa aan soo eegay bukaanno u badan kuwa maanka wax ka qaba. Horumar ayaa ka jira waddanka dhinaca caafimaadka guud ahaan haseyeeshee waxa iyand muuqa dhaliilooyin badan oo aan rajaynayo in la daboolo sida ugu dhakhsaha badan.
Arrinka igu kallifay in aan qoraalkan sameeyaa waxa uu ku saabsan yahy dawo wadanka looga isticmaalo si aan waafaqsanayn xerka u gaarka ah dawadan (protocol). Dawadan waxa la yidhaa Clozapine. Waxa loo qoraa dadka qaba xanuunka loo yaqaan Schizophrenia ee ay wax u tari waayaan dawooyinka kale.

Waxa ay keeni kartaa waxyeelo halis noqon karta sida iyadoo ay hoos u dhacaan unugyada cadcad ee dhiiga (white blood cells) taasina ay qofka u nuglayso cudurrada la is qaadsiiyo. Waxa kale oo ay keeni kartaa suuxdimo (seizures) iyo wadno xanuun. Qofka dawadan loo qoro waxa waajib ah in toddobaadkiiba mar laga qaado dhiig iyo in lala socdo miisaankiisa iyo shaqada wadnihiisa. Waxa aan la kulmay bukaan dawadan loo qoray oo aan wax macluumaad ah laga siin khatarteeda iyadoo xaddi badanna loo qoray Waxa aan jeclaan lahaa in dhakhaatirta, wasaaradda cafimaadk, dadk ka ganacsada dawooyink iyo eheleda daka maanka ka bukaa ay dawadaa aqoonsdaan oo la hubiyo in aan dadka loo qorin iyadoon la raacin protokoolkeeda (Clozapine Protocol) sida hoos ku cad:  HYPERLINK “https://www.clozapinerems.com/CpmgClozapineUI/rems/pdf/resources/ANC_Table.pdf” https://www.clozapinerems.com/CpmgClozapineUI/rems/pdf/resources/ANC_Table.pdf
 HYPERLINK “https://www.pharmaceutical-journal.com/learning/learning-article/how-clozapine-patients-can-be-monitored-safely-and-effectively/11138788.article?firstPass=false” https://www.pharmaceutical-journal.com/learning/learning-article/how-clozapine-patients-can-be-monitored-safely-and-effectively/11138788.article?firstPass=false

Dr. Aden A. Ismail, MD, FRCP, FAP
London, Ontario, Canada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker