Kornayl Muuse waa askariye afkii askarta kula hadlaay!!!

Waxa isasoo taraayey Mudadii uu xilka hayey madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi cabashooyin tiro badan oo lagaga cabanaayey qaabka maamul iyo maamul dhismeedka xukuumada uu soo yagleelay, ha ahaato Saami qaybsi, cadaalad daro, qaraabo-kiil, talo xumo iyo shaqsiyaad uu xillal u igmaday bay.

Cabashooyinkaa oo ay dadku usoo tabinayeen si SHaqsi, Koox, Ardaa, Beel, Xaafad, Degmo, Gobol, Deegaan ilaa Jiid, hase ahaatee aan marnaba Dheg jalaq loo siin ayaa Waxa, wax layaab leh noqotay in uu madaxweyne Muuse Biixi uu ku andacoodo oo yidhaahdo ciddii cabasho qabtaa waa inay si saliim ah usoo tabisaa Isaga oo u duur-xulaaya Kornayn Caare.
Waxaa aynu ogayn in muwaadiniin badan oo mug iyo miisaan lihi si isdaba joog leh ay cabasho u soo tabiyeen se cidi aanay ka hoos qaadin Bari ilaa Galbeed, ” wuxuu yidhi mayd maxaa ugu danbeeyey suu yidhi kaa lasii sido”,  sida muwaadiniintii shirka samo tashiga ah dhawaan deegaanka Gacan-libaax ku qabsatay ee gabagabadii shirkaa Isaga ah kasoo saarey qodobo nuxurkoodu ahaa waxaynu wada leenahay hadaynu REER Somaliland nahay aynu wadayeelano wadaagno oo wadalahaano oo wada yagleelano oo samaan iyo cadaalad aynu ku dhidibno jamhuuriyadeenan barakaysan, runtii waa qodobo wax ku ool ah oo dhamaan shacabka reer Somaliland simaaya iskuna uur xaadhaya, se Waxa nasiib daro noqotay in aanu mudane Madaxweyne Muuse Biixi aanu garawsan oo aanay ku duxin nuxurka-San ee ku duugan qodobadaa samaanta ah ee ay ku baaqeen muwaadiniintaasi oo fal-celin daa iyo waa hawraarsane uu dibnaha ka Xidhay oo uu shibta ka galay.
Hase yeeshee Kornayn Muuse in uu judhiiba wax ii sheeg ku yidhaahdo Kornayn Caarihii dabka Qaatay Taa macnaheedu miyaanu noqonayn Mudane Muuse Biixi waa Askari ee olol iyo rasaas iyo afkii askarta kula hadlaay!! ?
Qalinkii Fuad Fartaag 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker