Sirta 4 Sababood oo Boqortooyada Sucuudigu Meeqaam Sare ugu qaabishay AL-Xaji C/raxman Zaylici iyo waxa Reer Somaliland qaboojin kara !! Dr.khadar-Libaaxley.

Dabciga iyo dookha carabta ka mid ma’aha in ay cizeeyaan cid aaney garaneyn ama maalin wax-tarin ama aan u sidin lumqad iyaga u gaar ah; waxase aynu halkan ku lafa guri doonaa sababaha Boqortooyada Sucuudigu Maamuuska sare u siisay Madaxweyne xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ?!!!.
1.Sababta koowaad ee AL Xaaji C/raxmaan Zaylici Boqorka sucuudigu u soo dhaweeysay ayaa ah aqoon durugsan oo fog oo ay u leedahay cida uu Xaaji Zaylici yahay ; Boqortooyada sucuudigu waxa ay keyd dhaxal ah u haysaa iyo siyaasad ay waliba ka duusho si maalinle ah marka ay noqoto arin iyo go’aan qaadashadii taariikhda guulihii usoo qabsoomey carabta iyo muslimiinta qarniyadii la soo dhaafey oo ay ugu muhiimsaneyd ( fidinta dawladnimada taariikhda tallada carabta iyo diinta islaamka ), marka ay noqoto dhanka geeska afrika fidintii dawladnimada iyo diinta islaamka waxa ugu magac weynaa ( Boqortooyadii ADAL, ifat suldanate ee futuuxal xabash) oo madaxweyne ku xigeenka somaliland AL Xaaji C/raxmaan C/laahi Ismaciil Zaylici nasab ahaan lafaheedii ka soo asal jeedo marka loo eego madaxda Boqortooyadu marti qaaday.
Gocashada waayaha iyo eexaysiga hirgalinta qayb ka mid ah taariikhda tallada carabta ee ay ku la dhantahay fidinta diinta islaamka ayaa ka curatay mandaqada AL-BAABKA geeska Afrika magaala xeebeeda saylac- Ziala oo u sii gudubtay qayba badan oo ka mid ahaa ardul xabash horaantii qarnigii 13aad ama 1300 markii ay mareysay maanta ah 2018 taasi oo kala hogaaminayeen Boqortooyadii Walashma dynasty iyo tii xigtay ee Borqortooyadii sacaada-diin intuba masuul ka’ahaa hirgalinta ( fidinta dawladnimada taariikhda tallada carabta iyo diinta islaamka ) iyaga oo kaashanayaa muslimiintii deeganka u aheyd xarunta Saylac oo uu hogaaminayey abaanduule (Siciid Daa’uud Cali AL-saylici ) oo ahaa odeyga ay maanta ku abtirsadaan Qabiilka Gadabuursi ee maanta Awdal somaliland, Djabuuti iyo itoobiya qayba kamida yaala, sida ay tibaaxayaan qoraayadii carbeed iyo beershiya oo ay u dambeeyeen qoraayadii gumeystaha ingiriiska; gaar ahaan aqoonyahanka reer ingiriis
Professor I.M.lewis oo ah British Ku takhasusay cilmiga anthropology oo ah cilmiga bulshooyinka somalidana Ka qoray dhawr book iyo Cilmi baadhiso dhank dhaqanka iyo taariikhda ah Muxuu Ka yidhi
Imaam Siciid Daaud Cali
(Oo ah Sheekh Samaroon Sheekh Siciid Daaud Cali abiihii)
Professor kan oo ah British habka ama qabka magacdana u isticmaala sida reer galbeedka ee ah first and after name or family name oo ah in qofka magaciisa iyo magaca awowogi ama famliga la qoro oo laga boodo magaca aabaha dhalay aya Waxa uu u qoray magaca imaam Siciid sida tan “Imaam Ali Si’id” hase ahatee halka danbe aya Waxa uu sharaxaad Ka sii bixiyay inu yahay awawga ay Gadabuursigu Ka so jeeda wa sida uu English ugu qoray
“ from whom the Gadabuursi today trance their descent ,”
Hadaba Waxa I.M.lewis ina uu helay marjic ama waraaqo carabi Ku qoran oo aan qiimo lagu qiyaasi karin “ an valuable reference to an Arabic manuscript” kuwaas oo sheegaya in
-imaam Siciid in uu aha Muslim Ka kali ah ee la dagaalamayay Catholic oo ah boqortooyadi xabashida kaa so kala dagaalamayay aaga galbeed “western flank” isaga oo hogaminaya cidankii imaam Sacaadadiin markii taariikhdu maraysay 1392.
Waxa u qoray “ the only Muslim leader fighting on western flank in the armies of Se’ad ad-Din ruler of zeila” 1392, Waxa kale oo uu qoray in uu imaam Siciid Daaud uu Ku biiray imaam sacaada diin markii ay dhinteen cumar walshamah iyo walalki xaqudiin ki labad si ay u xoojiyaan aasaaska boqortooyada Adal.
2. waxa markale sii buurey qiimaha aqoonsi iyo tixgalineed ee shakhsiyada abaanduule Siciid Daa’uud Cali iyo ubadkiisii hirgalinta dadaaladii uu ka shihiiday isagu ee ay si taxane ah markale u sii ambaqaadeen wiilashii uu awoowga u ahaa ee ay ka mid ahaayeen mujaahid Axmed ibraahim geesaale ( Axmed-Gurey) iyo mujaahid Cali Aadan Xuseen ( Cali-Dable) oo intuba dirir iyo colaad hubeysan kala hortagey Boqortooyadii AXMAARADA ee Boortaqiiska kaashaneysay ee damacooduna ahaa duulaanka kabcada iyo la bixida qabriga Nabi Maxamed NNKH, balse mujaahidiintahay difaaceen illaa maantaana ay baal dahaba kaga leen taariikhda dunida muslimka gaar ahaan tan carabta , iyaga oo dagaaladaasi libin sare ka soo hooyey fidinta xukunka boqortooyadii cabaasiyiinta, cusmaaniyiinta iyo diinta islaamka ; mujaahidiintaasi waxay horseed ka ahaayeen in diinta islaamku geeska afrika ku fido; sidaa daraadeed Boqortooyada sucuudigu wey ogyihiin aqoon buuxdana wey u leeyihiin in AL-Xaaji C/raxman Zaylici in uu ka dhashay qoska mujaahidkii iyo abaanduulihii Boqortooyada ADAL isla markaana la dhashay labada mujaahid ee kale halkii ka shiiwaday shaqadii Awoowgood Siciid Da’ud Cali AL-Zaylici ; ogaalkaasi wuxu qayb ka yahay maamuuska iyo maqaamka sare ee Boqortooyada sucuudigu ku qaabishay madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudadii uu ku sugnaa gudashada Xajka ; waa suuragal in aad ogtihiin markii duufaantu ku dhufatay somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal dadaal iyo hawlo gargaar kadib xilli lagu jiray ramadaantii in safaarada Boqortooyada sucuudiga ee Djabuuti ku taal ay ( afur-wadareed iyo casho sharaf) ugu sameysay magaalada Borama dhamaan Odayadii gobolka Awdal; fariintaasi oo macnaheedu ahaa ( we know whom you are !! and we did not forget you may ALLAH bless you ALL ) fariintan fariin la mid ah tan iyo 1994 illaa maanta waxa marwalba gobolka AWDAL u soo dira Dawlada Masar oo iyagu sannad walba mar iyo 2 jeer sannadkiiba gobolka u soo dira kooxo caafimaad oo adeeg bilaash ah ka fuliya qaybaha adeegyo caafimaad ee bulshada gobolku u baahantahay; waxa aynu ognahay in dawlada masar aheyd masuuliyiintii dawladii cusmaaniyiinta uga wakiil aheyd xeebaha somaliland ee xaruntoodu aheyd magaalada Zaylac ; dawlada masar lafteeduna wey ogtahay oo wey haysaa rikoodhkii halgan hirgalinta diinta iyo dawlada islaamka u galeen reer Awdal sabankaasi, tanina qayb kamid ah sababta adeegyadan caafimaad u sameeyaan.
3. Sababta saddexaad : waxa suuragal buuxda ah in Boqorka Sucuudigu ka abaal celinayo taageeradii dawlada somaliland isaga ugu hiilisay markii ay is-hayeen Boqortooyada Qadar ee ay Sucuudiga darisyihiin, taasi oo aaney somaliland u hiilinin sucuudiga balse raacday kaliya halka danteenu ku jirtay !!.
4. Sababta afaraad : waxa si weyn u muuqata in Boqorka sucuudigu yaqiinsanyahay dil-dilaaca hada ka dhex-jira qoyska reer Boqor ee talada dhaxalka ku aadan iyo waliba fahamsanyahay halista weyn ee bariga dhexe ku soo fool leh, sidaa daraadeedna boqorku danaynayo xidhiidh dhaw iyo meel dhaw (Somaliland) oo ay ammaan ku helli karaan maxastiisa, inta ka talla qaadata isaga iyo hantidooda ; arintaas waxa laga dhadhansan karayaa eray bixintii uu isticmaaley af-hayeenka Boqortooyadu markii ay dhacaysay Salaanta Boqorka iyo AL.Xaaji Zaylici uu magac-dhabayey somaliland isaga oo af-hayeenku yidhi ( kani waa madaxweyne xigeenka jamhuuriyadeena Somaliland ) iyada oo aynu wada jir u ognahay Somaliland iyo K.S.A labaduba qayb ka yihiin wadamadii Boqortooyadii ingiriisku farta u qabatay.

Gunaanad :
Hanti iyo mahuraan reer somaliland waxa u noqon karta marka dhanka Boqortooyada sucuudiga ay noqoto; dawlada sucuudiga oo si buuxda u aqoonsata somaliland, hadaaney aqoonsana ay somaliland la hirgaliso talladii ingiriisku rabey, ta kale in sucuudigu xayiraada ka qaado xoolaha somaliland laga dhoofiyo, iyo in farsamo iyo xidhiidh gaara oo ka madax-banaan dawlada somalia oo ay kuwada xidhiidhaan somaliland uu ogolaado Boqorka sucuudigu waxyaabahaasi oo rumooba oo aan aheyn balan qaad kaliya waxa kaliya ee ay ku diirsan karaan bulshadan u ooman helida xidhiidh caalamiya oo ay dunida wax kula qaybsato.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

8/27/2018

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker