Madaxweynaha Nigeria Oo Amaanay Niman Kamida Ilaalada Garoon Diyaaradeed ilaaliya

Madxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ammaan kala dul dhacay niman ka shaqeeya ammaanka garoon diyaaradeed, ka dib markii ay soo celiyeen boorso ay ka buuxdo lacag iyo waliba waxyaabo kale oo qaali ah, wuxuuna sheegay in dabcigoodu uu ka dhigan yahay “Nigerida cusub ee aan wada doonayno”.

Ficilkooda daacadnimada ah ayaa madaxweynaha aad u soo jiitay, isaga oo ku sheegay in ay yihiin rag doortay in ay tusaale u noqdaan dadka Nigerianka ah ee wanaagsan, daacaddana ah.

Boorsada waxaa ku jiray lacag badan oo doolarka Maraykanka ah, taleefan, saacad, jijimo iyo waxyaabaha kale oo qiimo leh, waxayna ka dhacday haweenay maraysay garoonka diyaaradaha ee Lagos, sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker