Qormo Dul Xija Qaybtii 3aad ( TOBANKA DUL -XIJA!).

maalmaha uu ALLE in camal la qabto ugu jecel yahay , camaladuna ugu kheyr badan yihiin ( TOBANKA DUL -XIJA!).

 

Qormadii hore waxaynu ku soo qaadanay muhiimada ay leedahay in ALLE dembi-dhaaf la weydiisto iyo sida aaanay uga maarmi jirin duulkii inaga horeeyay camal-kaas qiimaha badan. Taas oo inuu cadaynaysay sida ay muhiim u tahay inaynu la nimaadno cibaada-daas maalmahan qiimaha badan.

Qormadan kooban waxa gun-dhig u noqon doona xadiis rasuulka ka sugan SCW oo ay ku jirtay waxa la ii soo saaray inaan wax baro ย MUSLIM.

Sida ku cad meelo dhawr ah Quraanka kariimka ah , waxa ALLE uu umadan ugu galad sheegtay inuu u soo saaray rasuul bara kitaabka iyo sunnaha ( AL BAQARA 151). Sidaas darteed waxaynu soo qaadan doona laba xadiis oo ina tusaya sida uu rasuulku wax u bari jiray cidaย  weydiisata inuu wax baro.

 

Tusaalaha koowaadย 

Abubakar Al-Sidiiq ayaa waxa uu maalin maalmaha ka mid ah uu rasuulka ku yidhi : Rasuul ALLAW I bar duco aan RABBIGAY ku baryo markaan tukanayo. Markaas ayuu rasuulku Ku yidhi waxaad akhridaa ducadan :

: ู‚ู„:ย ุงู„ู„ู‡ู… ุฅู†ูŠ ุธู„ู…ุช ู†ูุณูŠ ุธู„ู…ุงู‹ ูƒุซูŠุฑุงู‹ ูˆู„ุง ูŠุบูุฑ ุงู„ุฐู†ูˆุจ ุฅู„ุง ุฃู†ุชุŒ ูุงุบูุฑ ู„ูŠ ู…ุบูุฑุฉ ู…ู† ุนู†ุฏูƒ ูˆุงุฑุญู…ู†ูŠ ุฅู†ูƒ ุฃู†ุช ุงู„ุบููˆุฑ ุงู„ุฑุญูŠู….ย 

 

Ducadan oo ay aynu ku soo aragnay qormadii hore , waa duco ay culimadu ku tilmaamaan inay tahay mid koobsanaysa macno balaadhan:

  • Waxa ku jira qirasho uu qiranayo addoonku inuu ka gaabiyay xaqii RABBIGGI oo uu dulmiyay naftiisa dulmi ay sabab u yihiin gefaf-ka tirada badan ee ka dhacay . Dulmigaas oo uu ku tilmaamay adoon-kaas ALLAHI baryayaa inuu yahay mid fara badan.
  • Inuu ka dalbanayo RABBIGII inuu dheef iyo barwaaqo siiyo . Waayo ii dembi-dhaaf waa ALLAW astur khaladaad-keyga oo iga dhaaf. Halka ay tahay ii naxariiso ; ALLAWkheyr-kaaga iyo dheeraadkaaga ii-gu deeq.
  • Waxa haboon in adoonku mar-kasta uu maan-ka ku hayo gaabis-ka uu ku dhacayo , si aanu ula dhicin camalkiisa.
  • Qira-shada uu adoonku qirto dembi-giisa iyo awood-daradiisu , waa mid u dhawaynaysa in laga aqbalo ducadiisa.

 

ย 

ย 

ย 

ย 

ย 

ย 

Tusaalaha 2aad

ย 

CABAAS IBNU MUDALIB oo ahaa Rasuulka adeerkii ayaa u yimi rasuulka markaas ayuu ku yidhi ; rasuul ALLAW i bar duco aan RABBIGAY ku baryo. Markaasu rasuulku ku yidhi : ALLE weydiiso inuu ku nabad-geliyo . CABAAS ayaa yidhi dhawr cisho kadib ayaan rasuulka ku soo noqday oo aan weydiiyay mar labaad isla suโ€™aashii. Markaasuu igu yidhi : CABAASAW adeerkay-aw ALLE weydiiso inuu ku nabad-gelyo.

Kelmadan oo ah kelmad koob-sanaysa wax-kasta oo qof-ka dhib ku ah hadday tahay xanuun , dhibaato , balaayo , IWM.

Waxaynu odhan karnaa ducadan waxa soo hoos gelaya aafo kasta oo ku dhacda naftaada , maal-kaaga , ehel-kaaga iyo aafo-kasta iyo dhib kasta oo adduunyada ah. Sidoo kale waxay gaashaan kaaga noqonaysaa balaayo kasta oo kaaga dhacda diintaada. Sidaas darteed in lagaa nabad-geliyo balaayooyinka iyo dhibaatooyinka kala duwan ee diintaada iyo adduunyadaada saamayn ku leh mid aad u qiimo badan. Waxaana iyaduna meesha ku jirta in isla qof-kaasiALLE uu adduun-kaiyo aakhiro-ba nadad-gelyo ku manaystay, uu yahay xaqiiqdii mid ku guuleystay dheef fara badan kana badbaaday shar iyo dhibaatooyin kala duwan oo wer-wer , murugo iyo cabsi kugu keeni lahaa. Taas oo ay waa-jib ku tahay inuu mahad la yimaado.

Bal ka waran haddii wax-kasta oo dhib kugu ah adduun iyo Aakhiro oo ay ka mid tahay xisaabta qiyaame lagu nabadgeliyo oo aadย ย  ka ย badbaado cadaab?

Waxaan filayaa inay tahay mid aan la qiyaasi karin.

 

ุงู„ุชุฑู…ุฐูŠย ุนู†ย ุงู„ุนุจุงุณ ุจู† ุนุจุฏ ุงู„ู…ุทู„ุจย ู‚ุงู„:ย ู‚ู„ุช: ูŠุง ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ุ› ุนู„ู…ู†ูŠ ุดูŠุฆุงู‹ ุฃุณุฃู„ู‡ ุงู„ู„ู‡ ุนุฒ ูˆุฌู„ุŒ ู‚ุงู„: ุณู„ ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุนุงููŠุฉุŒ ูู…ูƒุซุช ุฃูŠุงู…ุงู‹ ุซู… ุฌุฆุช ูู‚ู„ุช: ูŠุง ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ู…ู†ูŠ ุดูŠุฆุงู‹ ุฃุณุฃู„ู‡ ุงู„ู„ู‡ุŒ ูู‚ุงู„ ู„ูŠ: ูŠุง ุนุจุงุณ ูŠุง ุนู… ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡: (ุณู„ ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุนุงููŠุฉ ููŠ ุงู„ุฏู†ูŠุง ูˆุงู„ุขุฎุฑุฉ.)ย ูˆุตุญุญู‡ย ุงู„ุชุฑู…ุฐูŠ ูˆุงู„ุฃู„ุจุงู†ูŠย ุฃูŠุถุงู‹.

ุฃุณุฃู„ูˆุง ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุนููˆ ูˆุงู„ุนุงููŠุฉุŒ ูุฅู† ุฃุญุฏุง ู„ู… ูŠุนุท ุจุนุฏ ุงู„ูŠู‚ูŠู† ุฎูŠุฑุง ู…ู† ุงู„ุนุงููŠุฉ. ุฑูˆุงู‡ุงู„ุชุฑู…ุฐูŠุŒย ูˆุตุญุญู‡ย ุงู„ุฃู„ุจุงู†ูŠ.

 

ูุนู†ย ุงุจู† ุนู…ุฑุฑุถูŠ ุงู„ู„ู‡ ุนู†ู‡ู…ุง ู‚ุงู„:ย ู„ู… ูŠูƒู† ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู… ูŠุฏุน ู‡ุคู„ุงุก ุงู„ุฏุนูˆุงุช ุญูŠู† ูŠู…ุณูŠ ูˆุญูŠู† ูŠุตุจุญ: ุงู„ู„ู‡ู… ุฅู†ูŠ ุฃุณุฃู„ูƒ ุงู„ุนุงููŠุฉ ููŠ ุงู„ุฏู†ูŠุง ูˆุงู„ุขุฎุฑุฉุŒ ุงู„ู„ู‡ู… ุฅู†ูŠ ุฃุณุฃู„ูƒ ุงู„ุนููˆ ูˆุงู„ุนุงููŠุฉ ููŠ ุฏูŠู†ูŠ ูˆุฏู†ูŠุงูŠ ูˆุฃู‡ู„ูŠ ูˆู…ุงู„ูŠุŒ ุงู„ู„ู‡ู… ุงุณุชุฑ ุนูˆุฑุชูŠุŒ ุงู„ู„ู‡ู… ุงุญูุธู†ูŠ ู…ู† ุจูŠู† ูŠุฏูŠ ูˆู…ู† ุฎู„ููŠ ูˆุนู† ูŠู…ูŠู†ูŠ ูˆุนู† ุดู…ุงู„ูŠ ูˆู…ู† ููˆู‚ูŠุŒ ูˆุฃุนูˆุฐ ุจุนุธู…ุชูƒ ุฃู† ุฃุบุชุงู„ ู…ู† ุชุญุชูŠ.

ุงู„ุญุฏูŠุซ ุฑูˆุงู‡ย ุฃุญู…ุฏ ูˆุฃุจูˆุฏุงูˆุฏย ูˆุบูŠุฑู‡ู…ุงุŒ ูˆุตุญุญู‡ย ุงู„ุฃู„ุจุงู†ูŠ

 

Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu odhan jiray ALLE weydiista inuu idin cafiyo , sidoo kalena uu idin nabad-geliyo . Rasuulkuna kama uu tegi jirin marna akhrinta ducooyin ay ku jiraan labadani.

 

Xidhmada maqaalka waxaynu isku dar-daarmaynaa in lagu deydo rasuulkeena SCW uu ALLEku tilmaamay inuu yahay mid loo soo diray inuu wax baro , sidoo kalena aynu barno bulshadana wax-kasta oo RABBIGOOD u dhawaynaya iyo jannoyinkiisa qiimaha badan.

Dhinaca kale ujeedada maqaalkani waxay ahayd inaynu is xasuusino fadliga ay leedahay ducadu maalmahan qiimaha badan , iyada oo ay fooda inagu soo hayso maalinta ay ducadu ugu qiimaha badan tahay ee CARAFA. ย Sidaas awgeed aynu ALLE ka barino inuu inaga dhaafo dembiyadeena faraha badan , naxariistii-sana weydiisano ; kana barino inuu inaga xijaabo oo uu inaga nabad-geliyo balaayooyinka kala duwan ee aynu qaar ka mid ah hareeraheena ku aragno . Kuwaas oo ay ugu horeyso ta diinteena saamayn ku yeelan karta.

 

F.G

WAXAAD LINK-KAN KA DAJISAN KARTAAN 100 DUCOOYIN OO KITAABKA IYO SUNNAHA RASUULKA SCW LAGA SOO URURIYAY :

https://t.co/1uDE6RZzYS?amp=1

 

 

Waxaan ka soo qaatay maqaalkan :

ุงู„ุฃู„ู‰ ุงู„ุฒูƒูŠู‡ ููŠ ุดุฑุญ ุงู„ุงุฏุนูŠู‡ ุงู„ู†ุจูˆูŠู‡

http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=221788

 

 

LA SOCDA QORMADADAMBE.

 

https://medium.com/@Kadim

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker