Qormo Dul Xija Qaybtii 3aad ( TOBANKA DUL -XIJA!).

maalmaha uu ALLE in camal la qabto ugu jecel yahay , camaladuna ugu kheyr badan yihiin ( TOBANKA DUL -XIJA!).

 

Qormadii hore waxaynu ku soo qaadanay muhiimada ay leedahay in ALLE dembi-dhaaf la weydiisto iyo sida aaanay uga maarmi jirin duulkii inaga horeeyay camal-kaas qiimaha badan. Taas oo inuu cadaynaysay sida ay muhiim u tahay inaynu la nimaadno cibaada-daas maalmahan qiimaha badan.

Qormadan kooban waxa gun-dhig u noqon doona xadiis rasuulka ka sugan SCW oo ay ku jirtay waxa la ii soo saaray inaan wax baro  MUSLIM.

Sida ku cad meelo dhawr ah Quraanka kariimka ah , waxa ALLE uu umadan ugu galad sheegtay inuu u soo saaray rasuul bara kitaabka iyo sunnaha ( AL BAQARA 151). Sidaas darteed waxaynu soo qaadan doona laba xadiis oo ina tusaya sida uu rasuulku wax u bari jiray cida  weydiisata inuu wax baro.

 

Tusaalaha koowaad 

Abubakar Al-Sidiiq ayaa waxa uu maalin maalmaha ka mid ah uu rasuulka ku yidhi : Rasuul ALLAW I bar duco aan RABBIGAY ku baryo markaan tukanayo. Markaas ayuu rasuulku Ku yidhi waxaad akhridaa ducadan :

: قل: اللهم إني ظلمت نفسي ظلماً كثيراً ولا يغفر الذنوب إلا أنت، فاغفر لي مغفرة من عندك وارحمني إنك أنت الغفور الرحيم. 

 

Ducadan oo ay aynu ku soo aragnay qormadii hore , waa duco ay culimadu ku tilmaamaan inay tahay mid koobsanaysa macno balaadhan:

  • Waxa ku jira qirasho uu qiranayo addoonku inuu ka gaabiyay xaqii RABBIGGI oo uu dulmiyay naftiisa dulmi ay sabab u yihiin gefaf-ka tirada badan ee ka dhacay . Dulmigaas oo uu ku tilmaamay adoon-kaas ALLAHI baryayaa inuu yahay mid fara badan.
  • Inuu ka dalbanayo RABBIGII inuu dheef iyo barwaaqo siiyo . Waayo ii dembi-dhaaf waa ALLAW astur khaladaad-keyga oo iga dhaaf. Halka ay tahay ii naxariiso ; ALLAWkheyr-kaaga iyo dheeraadkaaga ii-gu deeq.
  • Waxa haboon in adoonku mar-kasta uu maan-ka ku hayo gaabis-ka uu ku dhacayo , si aanu ula dhicin camalkiisa.
  • Qira-shada uu adoonku qirto dembi-giisa iyo awood-daradiisu , waa mid u dhawaynaysa in laga aqbalo ducadiisa.

 

 

 

 

 

 

 

Tusaalaha 2aad

 

CABAAS IBNU MUDALIB oo ahaa Rasuulka adeerkii ayaa u yimi rasuulka markaas ayuu ku yidhi ; rasuul ALLAW i bar duco aan RABBIGAY ku baryo. Markaasu rasuulku ku yidhi : ALLE weydiiso inuu ku nabad-geliyo . CABAAS ayaa yidhi dhawr cisho kadib ayaan rasuulka ku soo noqday oo aan weydiiyay mar labaad isla su’aashii. Markaasuu igu yidhi : CABAASAW adeerkay-aw ALLE weydiiso inuu ku nabad-gelyo.

Kelmadan oo ah kelmad koob-sanaysa wax-kasta oo qof-ka dhib ku ah hadday tahay xanuun , dhibaato , balaayo , IWM.

Waxaynu odhan karnaa ducadan waxa soo hoos gelaya aafo kasta oo ku dhacda naftaada , maal-kaaga , ehel-kaaga iyo aafo-kasta iyo dhib kasta oo adduunyada ah. Sidoo kale waxay gaashaan kaaga noqonaysaa balaayo kasta oo kaaga dhacda diintaada. Sidaas darteed in lagaa nabad-geliyo balaayooyinka iyo dhibaatooyinka kala duwan ee diintaada iyo adduunyadaada saamayn ku leh mid aad u qiimo badan. Waxaana iyaduna meesha ku jirta in isla qof-kaasiALLE uu adduun-kaiyo aakhiro-ba nadad-gelyo ku manaystay, uu yahay xaqiiqdii mid ku guuleystay dheef fara badan kana badbaaday shar iyo dhibaatooyin kala duwan oo wer-wer , murugo iyo cabsi kugu keeni lahaa. Taas oo ay waa-jib ku tahay inuu mahad la yimaado.

Bal ka waran haddii wax-kasta oo dhib kugu ah adduun iyo Aakhiro oo ay ka mid tahay xisaabta qiyaame lagu nabadgeliyo oo aad   ka  badbaado cadaab?

Waxaan filayaa inay tahay mid aan la qiyaasi karin.

 

الترمذي عن العباس بن عبد المطلب قال: قلت: يا رسول الله؛ علمني شيئاً أسأله الله عز وجل، قال: سل الله العافية، فمكثت أياماً ثم جئت فقلت: يا رسول الله علمني شيئاً أسأله الله، فقال لي: يا عباس يا عم رسول الله: (سل الله العافية في الدنيا والآخرة.) وصححه الترمذي والألباني أيضاً.

أسألوا الله العفو والعافية، فإن أحدا لم يعط بعد اليقين خيرا من العافية. رواهالترمذي، وصححه الألباني.

 

فعن ابن عمررضي الله عنهما قال: لم يكن رسول الله صلى الله عليه وسلم يدع هؤلاء الدعوات حين يمسي وحين يصبح: اللهم إني أسألك العافية في الدنيا والآخرة، اللهم إني أسألك العفو والعافية في ديني ودنياي وأهلي ومالي، اللهم استر عورتي، اللهم احفظني من بين يدي ومن خلفي وعن يميني وعن شمالي ومن فوقي، وأعوذ بعظمتك أن أغتال من تحتي.

الحديث رواه أحمد وأبوداود وغيرهما، وصححه الألباني

 

Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu odhan jiray ALLE weydiista inuu idin cafiyo , sidoo kalena uu idin nabad-geliyo . Rasuulkuna kama uu tegi jirin marna akhrinta ducooyin ay ku jiraan labadani.

 

Xidhmada maqaalka waxaynu isku dar-daarmaynaa in lagu deydo rasuulkeena SCW uu ALLEku tilmaamay inuu yahay mid loo soo diray inuu wax baro , sidoo kalena aynu barno bulshadana wax-kasta oo RABBIGOOD u dhawaynaya iyo jannoyinkiisa qiimaha badan.

Dhinaca kale ujeedada maqaalkani waxay ahayd inaynu is xasuusino fadliga ay leedahay ducadu maalmahan qiimaha badan , iyada oo ay fooda inagu soo hayso maalinta ay ducadu ugu qiimaha badan tahay ee CARAFA.  Sidaas awgeed aynu ALLE ka barino inuu inaga dhaafo dembiyadeena faraha badan , naxariistii-sana weydiisano ; kana barino inuu inaga xijaabo oo uu inaga nabad-geliyo balaayooyinka kala duwan ee aynu qaar ka mid ah hareeraheena ku aragno . Kuwaas oo ay ugu horeyso ta diinteena saamayn ku yeelan karta.

 

F.G

WAXAAD LINK-KAN KA DAJISAN KARTAAN 100 DUCOOYIN OO KITAABKA IYO SUNNAHA RASUULKA SCW LAGA SOO URURIYAY :

https://t.co/1uDE6RZzYS?amp=1

 

 

Waxaan ka soo qaatay maqaalkan :

الألى الزكيه في شرح الادعيه النبويه

http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=221788

 

 

LA SOCDA QORMADADAMBE.

 

https://medium.com/@Kadim

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker