Xoghayihii Hore Ee Qaramada Midoobay Kofi Annan Oo Geeriyooday .

Waxaa la sheegay in uu geeriyooday daqiiqadihii ugu dambeeyay xoghayihii qaramada Midoobay Kofi Annan  oo u dhashay dalka Ghana ee galbeedka Afrika.

 

Annan ayaa ahaa 80 sano jir waxaa uuna noqday xoghayaha todobaad ee qaramada Midoobay sidoo kale waxaa uu ahaa Afrikankii ugu horreeyay oo shaqeeya intii u dhaxeysay 1997-2006.

 

Kofi Annan ayaa ahaa Diblomaasi  waxaa uuna ka mid ahaa shaqaalaha ugu caansan ee ka soo shaqeeyay Qaramada Midoobay isaga oo soo noqday Xoghayaha todobaad ee Qaramada Midoobay.

 

Annan ayaa 8 April 1938 ku dhashay Magaalada Kumasi ee dalka Ghana waxaa uuna ku guuleystay sanadkii 2001 biladda Nabadda Nobel Peac taasi oo uu ku muteystay dadaalkiisa ahaa dhanka nabadda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker