Soomaali Lagu Dilay Magaalada Harar Ee Dalka Ethiopia.

Wararka ka imanaya Magalaada Harar ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidanka IsMaamulka Oromada ay dileen shan qof oo Soomaali ah iyada oo sidoo kale ay dhaawaceen laba kale.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay qabteen dadkaan islamarkaana ay Madaxdyada ka wada toogteen  saddex ka mid ah dadka la dilay ayaa la sheegay in dhowaan laga soo sdaayay Xabsiga loo yaqaanno “Jeel-ogaadeen” kadib Markii Ra’iisalwasaare Abiy uu amar ku bixiyay in la siidaayo dadka ku xidhan xabsiyada Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada wada-dega Itoobiya ayaa ah mid Maalimba Maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareereysa.

Deegaannada ay ka kala arimiyaan labadaan Qoomiyadood ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka iyada oo weli aanay jirin wax tallaaba ah oo ay qaaday Dowladda dhexe ee Itoobiya .

Oromada Itoobiya ayaa hore waxa ay u dileen dad badan oo Soomaali ah iyaga oo sheegaya in ay u aar gudayaan Oromo lagu dilay deegaannada Soomaalida.

Ma jirto xal rasmi ah oo ilaa iyo hadda Muuqda kaasi oo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada dhinac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker