Hal abuur qoraa xamse riiraash oo maanso ka tirinaya munaasibada ciidda arafo dartii

Hal abuur qoraa xamse riiraash oo maanso ka tirinaya munaasibada ciidda arafo dartii

Carruur iyo cirooloow
Waxa Carrada joogoow
Ciidu farxad weeyoo
Cisho weeyi wacanoo
Cammal suuban weeyee
Ku cammira rarayn iyo
Cammal aad u suuban
Ka farxiya carruurtoo
Qaraabada ciddiina iyo
Cindigana joogtana
Casarkaasi booqda
Sidaad tihiin caruusin
Cadar soo marsada oo
Dharka soo carfiya oo
Salaadana u cararoo
Isku salaama caleemiyo
Ubax caynba cayniyo
Iyo ciidul caafiya .

 

 

Xamse riiraash

hamseriraash@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker