Gudoomiye Sharmarke Geelle Oo Tababar Aqooneed U Soo Xidhay Shaqaalaha Hay’adda Dawladda Iyo Shaqaalaha Machadka Dawladda Ee CSI

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa tababar aqooneed mudo 4 maalmood ah u socday u soo xidhay shaqaalaha kala duwan ee hay’adda  dawladda iyo shaqaalaha Machadka Dawladda ee Somaliland.

Gudoomiye md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ay weheliyaan Agaasimaha Macadka CSI ee Jaamacadda Dawladda iyo Madaxa Dib u Habaynta Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa markii kulan aqooneedka 4 maalmood socday waxay sharaxeen Nuxurka aqoonta mudada 4 maalmood ah khabiiradda iyo macalimiinta tababarkani bixinaysay ay halkaasi ugu faa’iideeyeen kuna bareen shaqaalaha kala duwan ee Xafiiska  hay’adda  shaqaalaha  dawladda iyo shaqaalaha ka hawlgala Machadka Jaamacadda Dawladda ee Somaliland.

Agaasime-ku xigeenka Machadka Shaqaalaha Dawladda Mustafe Axmed Maxamuud oo ugu horayn madasha ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey tababarkan  iyo jidkii uu soo maray isagoo xusay in uu bilow wanaagsan iyo indho-fur fiican u noqday shaqaalaha hay’adda shaqaalaha iyo machadkaba isagoona ku dheeraaday in tababaradu yihiin waxa ugu muhiimsan ee shaqaaluhu ku helaan xirfad iyo aqoon ay ku horumarin karaan shaqada ay gacanta ku  hayaan.

Dhanka kale, Mawliid oo ku hadlayey afka shaqaalaha fursadan ka faai’daystay ayaa xusay sida ay ugu faraxsan yihiin tababarkan iyo in waxa ay barteen kor ugu qaadi doonnaan waaxaha iyo xafiiskyada ay qaranka uga adeegaan.

Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda Guuleed Salebaan Hagoog oo isna madasha ka hadlay ayaa xusay in ay nasiib wanaag tahay in shaqaalihii dawladda maanta lagu soo xareeyo machadka shaqaalaha dawladda isla markaana ay helaan fursad aqooneed iyo casriyeyn loogu sameeyey nidaamka shaqada ay hayaan isagona sheegay in ay imika ugu horayso in shaqaalaha hay’adda shaqaalaha dawladda iyaga oo dhamaystiran la soo wada xareeyo.

Madaxa dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda Cabdi Aadan Diiriye ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in ay arkaan shaqaalihii hay’adda shaqaalaha dawladda oo bilaabay in ay hirgeliyaan qaab-dhismeedkii loo sameeyey isagoona tilmaamay in ay bilow u tahay in la helo shaqo dhaadhacsan oo ku dhisan qaab-dhismeed cilmiyeysan.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane: Maxamuud CIlmi Deeq oo madasha ka hadlayey ayaa isna jeediyey hadal u badan guubaabo, dhiirgelin isla markaana shaqaalaha hay’adda shaqaalaha dawladda u rajeeyey in ay ka faaidaystaan cilmigii ay barteen isagoona sheegay in ay bilow tahay balse maalmo iyo marar badan oo kale la isugu soo noqon doonno.

Waxa iyaguna madasha ka hadlayey tiro kamid ah isu-duweyaasha hay’adda shaqaalaha dawladda ee gobolada Togdheer iyo Awdal iyagoona xusay sida ay ugu faraxsan yihiin ka qayb-galka tababarkan ay aqoonta ka faaidaysteen.

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda md Sharmaake Axmed Muxumed Geelle oo ugu dambeyntii madasha soo xidhay, ayaa ku dheeraaday muhiimada tababaradu u leeyihiin kobcinta shaqaalaha, tayeynta shaqada iyo kor u qaadida adeega shacabka la siiyo, isagoona dhanka kale xusay in tababaradan maanta la qaatay yihiin kuwa aasaaska u ah helitaanka shaqaale xirfad le isla markaana si wanaagsan u yaqaana halka uu kaga jiro saablayda shaqada, qaab-dhismeedka hay’adda u ka shaqeeyo iyo diyaarinta warbixin tolmoon.

Md Sharmaake Axmed Muxumed Geelle waxa uu yidhi “ Tababarakan oo socday afar casho ayaa shaqaalaha lagaga dhisayey, 1- Qaab-dhismeedka shaqada iyo waajibaadka qof walba shaqada ku leeyahay, 2- Diyaarinta Qorshe hawleedka iyo, 3- Hab-qoraalka warbixinaha, runtiina Waxa Aynu U Diyaar Garoobaynaa Tayeynta  Iyo Daryeelka Shaqaalaha Dawladda”

Ugu dambeyntii tababarkan oo mudo afar casho ah socday ayaa ahaa mid shaqaaluhu kaga faai’daysteen dhinacyo kala duwan oo muhiim u ah shaqada ay qaranka u hayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker