BAANKA DHEXE EE SOMALILAND WAXUU HELEY RAGII KU HABOONAA. By Abdikadir M. Ibra

Banka dhexe ee Somaliland  war saxaafadeed uu soo saarey 14/8/18 isagoo Higsanaya inuu dib u habeyn ku sameeyo hanaanka lacagaha Dalka, waxuu ku bayaamiyey in mustaqbalka uu higsanayo  in uu ka guuro habkii qadiimiga ahaa ee  lacagta waraaqaha ah Money paper Lana isticmaali Jirey qarnigii 7th century, una guuro #Plastic_Money (polymer), Hadaba wadamada qaar waxay lacagta plastic (polymer) isticmaaleyeen sanado kooban,  #Australia waxay ahayd wadankii ugu horeeyey ee isticmaala plastic Money sanadkii 1996, wadankii labaad ee isna hirgaliya waxuu ahaa #Brunei (2007). Wadankii ugu horeeyey ee reer yurub ah ee isticmaala waxuu ahaa Romania sanadkii (1999). Wadanka #Britain waxuu bilaabey isticmaalka plastic money 2017.
FAAIDADA POLYMER MONEY
#Cleaner) Nadiif ahaanshaha: polymer banknotes  Waxay ka adkeysi badan tahay paper banknotes marka loo eego wasaqda iyo qoyaankaba.  polymer notes mana qoyo, mana yeesho uskug, mana dhaawacmo, mana awoodi kartid inaad u jeexdo si fudud lacagta polymer notes. polymer notes waxay leedahay dahaar ka hortagaya uskuga,saliida iyo dareeraha kale ilaa aad saliid kulul ku shubto mooyaane.
#Safer):  polymer money way ka adag tahay in si fudud loo been abuuro.  fake money. Marka loo eego lacagta waraaqaha ka sameysan. polymer notes waxay leedahay dahaar ka hortagaya uskuga,saliida iyo dareeraha kale ilaa aad saliid kulul ku shubto mooyaane.
#Stronger): polymer Money way ka Tayo badan tahay lacagta waraaqaha waxayna jiri kartaa 50sano halka lacagta waraaqaha u baahan tahay labo ama sadexdii sano in Mar la badalo.
WADAMADA ISTICMAALA IMINKA.
#United_Kingdom, #Nigeria, #Cape Verde, #Chile, The #Gambia, #Nicaragua, #Trinidad and #Tobago, #Mexico, #Maldives, #Mauritania, #Botswana, #São_Tomé and #Príncipe, #Macedonia, the #Russian Federation and #Solomon Islands. #Malaysia #Canada #Romania #New_zealand.
hadaba waxaan leeyahay Banka dhaxe ee Somaliland waxuu maanta heley ragii ku haboonaa fulin Kara balan qaadyadii Madaxweynaha ee ahaa Horaa loo soconayaa Mar hadey wax qabad la taaban Karo muujiyeen.
By Abdikadir M. Ibra
abdiqaadir300@gmail.com
Tell 0659807643

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker