XOG KU SAABSAN MAAREEYAHA HAY’ADDA WADOOYINKA SOMALILAND

Waxa jira warar xog ogaal ah oo sheegaya in maareeyaha hay’adda
wadooyinka Somaliland, Mr.Cismaan Aw Cabdi uu Safar qarsoodi ah
kelidii ugu baxay magaalada Dubai ee dalka UAE. Hadaba sida wararku
sheegayaan, safarkan maareeyuhu wuxuu ku lug leeyahay bixinta
qandaraaska wadada loo yaqaan Berbera Corridor oo ay maalgelinayso
dawlada UAE.

Sida wararku sheegayaan, maareeyaha waxa casuumadan u fidiyey oo
tigidhka ka bixiyey shirkad laga leeyahay dalka UAE oo ka mid ah
shirkadaha la filayo inay ka qayb galaan tartanka helitaanka
qandaraaska wadada, waxaanay shirkadani rabtaa inay laaluush siiso
maareeyaha, taas bedelkeedana uu maareeyuhu siiyo balan qaad ama u
qoro recommendation gooni ah in shirkadaas la siiyo qandaraaska
wadada.

Hadaba iyadoo la wada ogyahay inay jiraan shirkado badan oo laga
leeyahay Somaliland iyo qaar kale oo wadamo kale joogaba kuwaas oo u
diyaar ah awoodna u leh fulinta qandaraaskaa wadada, waxa laga filayey
in maareeyuhu maadaama uu yahay masuul ka tirsan dawlada SL u dhex
noqdo shirkadahaa badan ee ku loolamaya qandaraaska. Laakiin safarkan
qarsoodiga ah iyo laaluushkan uu kasoo qaadanayo shirkadaas goonida ah
waa talaabo aad u foolxun oo dhaawac iyo laf-jab ku ah sumcada dawlada
SL, isla markaana sidii mashruucii Xumbaweyne ee hore u fashilmay oo
kale fashil ku ridaya fulinta mashruucan wadada oo ah mashruuc aad
mihiim ugu ah dalka Somaliland.

Sidaas daraadeed, waxa fiican in M/weynaha Somaliland uu arimahaa kor
ku xusan baadhis gaar ah ku sameeyo isla markaana uu talaabada ku
haboon ka qaado.

By:

Mr.Maxamed Nuur Aaye
Hargeysa-Somaliland.

maxanuur@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker