Xisbiyada siyaasadda Ethiopia oo ku Shiraya Addis Ababa.

Addis-ababa-(OWN)-Xisbiyada Siyaasadda ee Dalka Itoobiya ayaa kulamo ku leh Magaalada Addis ababa, waxanay ka wada hadlayaan arrimaha dib u heshiisiinta iyo dhismaha Dimoqraaddiyadda.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa madaxda 50 xisbi Siyaasadeed, oo ay ku jiraan Lix xubnood oo dhawaan Dalka dib ugu soo laabtay, aqoon yahanno, hoggaamiyeyaasha Diimaha iyo ururrada Bulshada.

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa dib-u-habeynta siyaasadda Dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisal Wasaare Dr, Abiy Axmed, oo ay ka mid tahay ka saarista Liiska argagixisada Saddex urur oo kala ah, OLF, Ginbot 7 iyo ONLF, heshiiska nabadeed ee ay gaadheen Itoobiya iyo Eretrea iyo rabshadihii dhawaan ka dhacay Jig-jiga.

Dhammaan ka qaybgalayaasha Shirka ayaa isku raacay in ay Xisbiyada siyaasadda kaalin fir-fircoon ka qaataan xallinta dhibaatooyinka kala duwan iyo in la helo is beddel ballaadhan oo Dalka wada saameeya, waxanay eedda dusha ugu tuureen hoggaanka sare ee Dalka.

Xigasho:- Esega.Com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker