Shalay Iyo Maanta, Barina waa loo joogi!

Waxay ahayd 1982, iyadoo xilligaas muddaharaad iyo dhagax tuur ardayda dugsiyada sare kala hortageen taliskii Siyaad Barre, oo ka kacay macallimiintoodii oo la xidhxidhay, iyo aqoonyahannadii UFO oo la xidhay. Haddaba si dadka loo dejiyo ayuu Siyaad Barre Goballadii Waqooyi u soo diray 2 sarkaal oo sarsare oo ahaa madaxweyne ku xigeenno. Labaduba waxay ahaayeen Reer waqooyi, oo kala ahaa:

 

1. General Axmed Suleiman Abdalla (Ina Dafle)

2. Mudane Axmed Maxamud Faarax (ina lax-kud)

Dadka oo la yaabay nimankaas la soo luggooyey ayaa maanso ku cabbiray arrintaas ay ka mid ahayd:

“Doqon ina Dafliyo, Ina Deyla kude, dadku way bukaan, ma dawaad siddaan, maxaad doonayseen?”.

 

Haddaba taas waxa ka dhigan wasiirrada maanta lagu soo luggooyey dadka Gobolka Togdheer iyo Daad-Madheedh ee wasiirka Caafimaadka, iyo wasiirka Maaliyaddu hoggaaminayeen iyo waliba Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Kulmiye!

 

Waxaad la wada socotaan in dhawaan ay baxeen saraakiil ka tirsan Beesha Qarxajis, saraakiishaas oo tabanaya cadaalad daro baahsan oo ku habsatay dhammaan Beelaha aan taageerin Xusbiga Kulmiye. Ayadoo tii aan waxba laga qaban ayuu Muuse usoo diray dadkii cadaalad darada tabanayey Wasiiradiisii Iyo Xubinihii ugu sareeyey Xusbiga Kulmiye ee Beesha Qarxajis, Xubnahaasi waxay sidaan lacag iyo mashaariic lugu dajinayo reerka meesha degan ee tabashooyinka sheeganaya in kastoo aanu Muuse dersin Sartu halka ay ka qadhuntay kuna dhaqmayo “Siilaanyaba Sameeye Anna Waan Samayn”.

 

Haddii uu Muuse sidaas kusii adkaysto way ku dumi doontaa

Qoladan Wasiirada ah ee meesha marayeyna waxaanu leenahay “Waraabe ciilna haw qabin calal.

Waxaa Qoray Mubarak Abdi Boos.

mubarak.bos1@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker