Maxkamad ku taala Turkiga oo diday sii deynta baadari Maraykan ah.

Maxkamada Turkiga ayaa soo diiday racfaan la doonayay in lagu sii daayo baadariga mareykanka ee lagu magacaabo Andrew Brunson, kaasi oo laf dhabar u ah qilaafka maalmihii la soo dhaafay sii xoogeysanayay ee u dhaxeeya labada dowladood.

Maxkamada sare ee magaalada Izmir ayaa jimcahan maanta sheegtay in baadari Brunson uu xabsi guri ku sii jiri doono waxaana ayt ayiday xukunkii ay hore u qaadatay maxkamada hoose todobaadkii la soo dhaafay.

Dhanka kale qareenka mr brunson ayaa sheegay in uu racfaan kale qaadan doono 15 maalmood gudahood.

Baadarigaan ayaa waxaa loo xidhay in uu ku lug lahaa Afganbigii Fashilmay ee lala damacsanaa xukuumada Ankara.

Hadii ay ku cadaato danbiyada loo heesto ayaa baadarigaan waxaa uu muteysan doonaa 35 sano oo xabsi ah.

Go,aanka ay Maxkamada Sare ee Izmir maanta daaqada uga tuurtay in la sii daayo baadarigan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo maalin ba maalinta ka danbeysa uu cirka isku sii shareeyayo qilaafka u dhaxeyaa Turkiga iyo Mareykanka oo ku aadan xidhnaashiyaha Baadarigaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker