MADAXTOOYADII SIILAANYO IYO CIYAALKIISII WAXAAN WADANKA KU SAMEEYEEN – MULACNA WAA KU QUDHGOOYO CARUURNA WAA KU CAYAAYIR.

Madaxtooyadii Siilaanyo waxay ka dhignay siday dhaqaalaha yar ee wadanka iyo shacabka saboolka wada ah CARUURNA WAA KU CIYAAYIR MULACNA WAA KU QUDHGOOYO. waxay wada samaysteen wax shirikaadka lagu sheego oo lacagtii ummadda lagu urursado oo aan cashuur la bixiyo daaye lacagta adag xawaaladaa laga soo diro debedda loo lala soo cararo. Sirta wadanku HADAL IYO HANTIBA WAXAA LAGA HELAYAA XAWAALADAA IYO telecommunications ka. Dhalintadan iyo raggan wasiirada ahaa ee Xukuumaddii Uu Siilaanyo ku XANUUNSADAY (Public money) ku fasaxday inay gurtaan ee shan sano ka hor diinaarka haysan waa in Maxakammada la soo taagaa. Waxaa ku filan SU’AAL qudha oo ah caddee xakay lacagtu kaa soo gashay, waa sida dawladahoo dhami u qabtaan dadka public money lunsada. Waa inay dhuuntaan inta la qabqabanayo oo aanay TV yada intay muraayado madmadaw soo xidhaan sida mafia yada aanay mujtamacay waxoodii dhaceen la hadlin.

Arintan shirikaadka loo samaystay la wareegga dhammaan adeegyadii Dawladda iyadoon xeerar iyo nidaamyo iyo khibrado aanay jirin iyo hab la xisaabtan oo meel a aan ka muuqan wuxuu dalkii u geystay dhaawacweyn oo dhaqaalihii lagu lunsaday shirkad qudha oo record haysaa ma jirto intay adeeg samaysay ama cashuur ay bixisay ama shirkad raad la raaco haysaa taasina waa waxa Dawladdii u weyda muruq iyo maskax ay ku marayso Sicir baraka musuqmaasuqu wadanka geliyey.
Shirikaadkan oo aan lacagtaa public money ga ah ee Siilaanyo Dawladdii iyo ummaddii ka dhaxal wareejiyey bangiga dhexe lavagtooda ma geeyaa ee Xawaaladaa dhigtaan waxaa dhagar Bay geliyaan waxna debadday u saaraan. Dawladdii gacmo madaw iyo fara madhan Bay arintaa ka dhaxashay laakiin dadka in yar oo baruur doofaar kabaa ku subkaday ayaa guul u arka waxa noocaasi ah.
Madaxweyne Muse Biixi isagoo cidbaa ka gardaraan wuxuu xaq ugu leeyahay Dawlad ahaan inuu shirkad walba qiimeeyo adeegga lagu wareejiyey iyo raadkeedii iyo record keeda iyo cashuur bixinteeda iyo edaabteeda iyo anshaxeeda SIDUU wadanka ku yahay. Hubaal badankoodu si qayrul sharci ah Bay lacagtaa u maamulaan iyo naasnuujin madaxtooyadii hore u samaysay waana waxa wadanku dhaawaca u yahay qaarkood maxakammada si sharci ha loo sootaago iyana si sharciya ha isu difaacaan. Sidaasaa loo kala bogan karaa boogahan Siilaanyo iyo Madaxtooyadiisii ay wadanka kaga tegeen.
Runtiina rag badan oo ay ka mid yihiin Wasiiraddii Siilaanyo ee xoolaha DADWEYNAHA halaloobiyey shallayna caydha caydhu dhashay ahaa wejigooda ummadda ha ka qarxiyaan xajkana yey tegin iyadoo la arkayo.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker