Hambalyo iyo Taageero Ku Socota Musharax Axmed Ismaaciil Weyrax Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa. X

Waxaan halkan Hambalyo iyo Taageero Baaxadle uga dirayaa Musharax Axmed Ismaaciil Weyrax oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u taagan yahay iska markaasina u sharaxan yahay Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa ee dhawaantanta la rajaynaayo in dalka ay ka qabsoonto ,

Musharax Axmed Ismaaciil Weyrax  ayaa markii uu adkaysan waayey hantiboobka iyo musuqa hadheeyey maamulkii Caasimada Hargeysa ayaa waxa uu u badheedhay inuu si toosa siyaasada ugu soo biiro iska markaasina uu badbaadiyo Caasimada Hargeysa.

Musharax Axmed Ismaaciil Weyrax  oo lagu yaqaano  karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayg daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu ku dhawaaqay inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ,

Musharax Axmed Ismaaciil Weyrax waxan ku hambalyeynayaa isla markaasina ku bogaadinayaa go’aankiisaas Siyaasadeed ee uu iskugu soo taagay Golaha Deegaanka Caasimada waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Allaa Mahadleh

C/risaaq Xasan Xuseen

Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker