File kii shirkii gacanlibaax yaa arkay?

Dhaqane iyo dhaashane

dhalin weeye magaallo.

dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan iyo

adaa dhoocil ka liita

warkoodaa ku dhamaadee .

Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane;Waar file kii shirkii gacanlibaax yaa arkay?

Dhaashane;Waar horta dadku mar uun buu quustaane ,weli miyeydaan doorashadii baas ka quusan?Wax baa nalagaga shubtay duun baa haysaan sanad dhan e.

Dhaqane;Oo idinku ma runtaa diidaysaan?waraaqaa sheegaysaane dad nool baa nalagaga shubtee.

Dhaashane:Waa yaab! Adigu ma daashid miyaa ?toban sanaad qaaq daas uun haysaa.

Dhaqane;Waar waxaa iska daayoo imika ma diideen inaa gudidii doorashooyinka bedeshaan?Ma nimanka lacagtii xunbo weyne cunay baa gudi bedelaya?iska gala adeer keligiin doorashada

Dhaashane:Waar horta waxan yaa kuu soo warama ileyn wadankiiba ma joogtide?

Dhaqane:Nin baa laga hayaa:Waxan ahay nin waayaha aduun wax uga muuqdaan.Waxyi iguma soo dego hadana wax ima dhaafaan.

Dhaashane;Ma dhegaysatay wasiirkii gaashan dhiga ?Wuxuu yidhi,col Caare waanu soo qabanaynaa.

Dhaqane;Iska hadlow ina Kulmiye dheh.Faan weynaa .Maba oga inaanu wiilkii noo dhashaba hada u bixino Caare miyaa?Waar adeerow xafladahaagaa iska dhex meerayso dheh.waxa kalood ku tidhaa waxa lagu yidhi;

Wligaa adoon qadin

Bisilkaaga qaatoo

Nolashaadu qabow tahay

Hadii aad qiyaas xumo

Dadka moodo wada qani

Qalbigaa ku oodmoo

Mid quraacdu seegtoo

Mar qadeeyey baa jira

Saddex aadmi quud heloo

Mid ka qadaya baa jira

Qoraxdana la nooloo

Qanaciisu boqol yahay.

 

 

Waa qalinkii:Baxnaan x aden diiriye

Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker