Ciyaaryahan Hore Imran Khan oo loo doortay Raysal-wasaraha Wadanka Pakistan

Barlamaanka Pakistan ayaa waxay Ra,isul wasaare u doorteen Imran Khan kaasi oo xisbigiisa ay ku guuleysteen doorashadii guud ee barlamaaniga bishii la soo dhaafay wadanka ku yaal koonfurta aasiya.

Mr Khan ayaa wacad ku maray in dowladiisa ay la iman doonto isla xisaabtan dhab ah oo uu ka shaqeyn doono hormarinta dalka Pakistan.

Kulan ay maanta xubnaha barlamaanka ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Islamabad Jimcahan maanta ayaa mr khan loogu doortay in uu noqdo madaxa ugu sareeya ee dowlada.

Ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka ayaa helay codad dhan 176 isaga oo ka guuleystay Shehbaz Sharif oo ku tartamayay xisbiga Pakistan Muslim League-Nawaz kaasi oo la yimid 96 cod.

Mr Khan ayaa maalinta bari oo sabti ah waxaa loo dhaarin doonaa xilka iyada oo maalmaha soo socda la filayo in uu soo dhiso golihiisa wasiirada.

Dhanka kale waxaa uu mahad celin u diray xildhibaanada barlamaanka isaga oo ugu baaqay hogaamiye yaasha kale ee Pakistan in ay wadajir iyo midnimo muujiyaan si loo hormariyo dalka.

Imran khan oo mudo fog ahaa mucaarad ayaa 22 sano waxaana tan iyo markii uu cayaaraha ka fadhiistay sanadii 1992-dii waday eedeyn uu u soo jeedinayo xukuumadihii soo maray dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker