Somaliland Oo Qorshaynaysa Inay Ka Guurto Lacagta Ka Samaysan Waraaqaha Oo Ay U Guurto Lacag Ka Samaysan Balaastig

Baanka dhexe ee Somaliland ayaa sheegay inay mustaqbalka Somaliland higsanayso inay yeelato lacag balaastig ah oo ay ka guurto lacagta ka samaysan waraaqaha ee ay haatan isticmaasho.

 

Sidaana waxa lagu cadeeyey War-saxaafadeed uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), War-saxaafadeedkan oo ka koobnaa shan qodob ayaa lagaga warramay xaaladda lacagta Somaliland, isla markaana waxa lagu beeniyey in la soo daabacayo lacag nooceedu yahay toban kun oo shilling iyo qorshaha lacagta Mustaqbalka.

 

 

Haddaba, War-saxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:- “Ma jiro lacag cusub oo Baanka dhexe uu soo daabacay oo ah nooc toban kun oo shilling ah, qorshihiisana kuma jirto mustaqbalka inuu soo daabaco lacagta waraaqaha ah ee hadda socota, waxaanu sheegay in laga guuri doono mustaqbalka sida ku cad qodobka 33aad ee xeerka Baanka dhexe ee xeer lambar 54 ee 2012,  Baanka dhexe waxa uu xaq u leeyahay daabacaada lacagta dalka, waxa kale oo uu xaq u leeyahay inuu lacagta ku sii daayo xarumaha dhexe iyo laamihiisa iyo wakiilladiisa, si ay ugu wareegto dhammaan gudaha Somaliland, Sidoo kale sida uu dhigayo qodobka 37aad ee xeerka Baanka dhexe ee Somaliland waxa uu xaq u leeyahay inuu lacagaha waraaqaha ah uu ku beddelo lacag kale oo leeg oo isla markaana u dhiganta haddii ay duugowdo ama ay baabado, sidoo kale qodobka 38aad ee Xeerka baanka dhexe waxa uu awood u siinayaa inuu suuqa ka saaro lacagta waraaqaha ah ee aan habboonayn ama duugowday ama jeexjeexantay, waxaanu ku beddelayaa tiro lacageed oo u dhiganta”. Waxaanu intaasi ku daray, “Baanka dhexe ee Somaliland isagoo waajibaadkiisa shaqo gudanaya waxa uu diyaar u yahay inuu beddelo lacagta nooceedu yahay shanta boqol ee shilling oo haatan duugoowday oo sii dabar go’aysa, haddii lacagta shanta boqol ee shilling ee Somaliland waxay abuuraysaa sicir barar oo alaabta qiimaheedu yahay shan boqol oo shilling waxay tegaysaa kun shilling, sidaasi awgeed qofkii haysta shan boqol oo shilling oo duugowday waxa uu baanka dhexe ogeysiinayaa in loogu beddeli doono qadar lacageed oo u dhigma oo ku keydsan qasnadaha baanka si sharciga waafaqsan”.

 

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu kale oo uu ka warramay qorshaha qaabka iyo nooca lacagta Somaliland ee uu mustaqbalka higsanayo, “Baanka dhexe ee Somaliland wuxuu higsanayaa inuu ka guuro lacagta waraaqaha ah ee (Paper Money) ee haatan ka socota gudaha Somaliland oo uu u guuro lacagta balastiga ah, taasoo lacagta balaastiga ahi ay ka fudududahay oo ay ka cimri dheertahay oo ay ka nadiifsantahay oo ay ka ammaan badantahay lacagta ka samaysan waraaqaha, balse kharashka ku baxaya daabacaada lacagta balaastiga ahi waa lacag aad u badan, haddii ay suurto gasho lacagta daabacaada waqtiga ay qaadanayso in la dalbado, nashqadeeyo, la daabaco, lana dejiyo waxay qaadanaysaa ugu yaraan saddex sanadood, dalalka laga isticmaalo lacagta balaastiga ah waxa ka mid ah Malasia, Canada, Nigeria, Gambia, Muritania, Uk, Romania, Ukrein, Newseland, waxaan ku rejo weynahay inay Somaliland ka mid noqoto dalalka isticmaala lacagta balaastiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker