Sanaag-bari Oo Gacanta Somaliland Kasii baxaya, Siyaasi-Cadami Oo Shir-beeleedyo Abaabulaya, Jabhadda Dib u xoraynta Somaliland Oo Sii xoogaysanaysa Iyo Ergadii Muuse Oo Faramaran Lalaabtay.

 

 

Boosaaso(OWN) Degaannada Sanaag-bari oo ah degaanno aad u ballaadhan oo ay ku dhaqan yihiin bulsho aad u tiro badani ayaa u muuqda xilligan mid ka xuub-siibtey gacanta Somaliland.

 

Siyaasi Axmed X Cali Cadami oo xukuumadihii u kala danbeeyey Somaliland xilal kasoo qabtay marka laga reebo xukuumadda Muuse Biixi oo aan wax xil ah u magcaabin siyaasigaas. Ayaa wuxu muddooyinkanba abaabulka shir lagaga tashanayo ayaaha mustaqbalka siyaasadeed ee bulshada Sanaag-bari iyo inta la halmaashaba ka wadaa degaankaas, shirkaasoo lafilayo dhowaan inuu furmi doono.

 

Shirkan ayaa waxa kolka hore isugu imaanaya Beelaha uu suldaanka u yahay Suldaan-Siciid Suldaan-C/salaan, waxase la rajaynayaa in talada laga qayb gelin doono cidda ay ood-wadaagta yihiin beelahaas ama aan lagala maarmaynin talada aayaha mustaqbalka siyaasadeed ee degaannadaas.

Waxana shirkani u muuqdaa mid bulshooyinka tala-wadaagta ahi ay ku samaysan doonaan maammul u gaar ah (STATE) oo hadba halkii ay dan moodaan ay kula shuraakoobi doonaan.

 

“Siyaasadda Murugtey Ee Somaliland ayaa la murug-bixinayaa waana la tashanayaa suldaankiina waannu isu tegeynaa ciddii kale ee aan lagala maarmayn-na talada waa laga qaybgelinayaa”. Sidaas waxa yidhi Siyaasi Cadami xilli dhowaan uu ka hadlayey fagaare duleedka Ceerigaabo ah oo lagusoo dhoweeyey isagoo kasoo kicitimay dhinaca Hargeysa.

 

Waxa iyaduna beryahanba cirifka bari ee xuduudda u dhexaysa maammullada Somaliland iyo Puntland fariisin kasamaystay Jabhadda Dib u xoraynta Somaliland ee uu hoggaaminayo Col-Caarre taasi oo sida lasheegayo maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaysa ciidammaduna ku qulqulayaan, waxana kaloo lasheegayaa in ay jiraan khuburo dhinaca ciidammada iyo weftiyo kale oo meelo kala duwan kayimid oo ay kulmeen hoggaanka jabhaddan, kuwaasoo lafilayo inay ka wada hadleen arimaha tayaynta iyo tababbarrada ciiidammada Col-Caarre.

 

Dhinaca kalena warar aannu ka helayno gobolka Karkaar magaala madaxdiisa Qardho ayaa sheegaya inay jiraan odayaal Muuse Biixi Hargeysa kasoo diray una soo diray si ay Boqor-Burhaan uga dhaadhiciyaan in Jabhadda Col-Caarre lagasoo saaro degaannada Puntland, balse taasi ay ku guuldarraysteen kaddib markii boqorku u sheegay in arrintaasi tahay mid ka baxsan arrimaha dhaqanka ee uu u xilsaaram yahay ayna tahay arrimo ciidan oo cid kale ku shaqa keedahay.

 

Sikastoy tahayba marka la isusoo ururiyo jawiga guud ee degaannada Sanaag-bai ayaa u muuqda mid xilligan kasii faramuruxsanaya maammulka Somaliland iyo Muuse Biixi.

Oodweynenews.com/Boosaaso

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker