Wasiirka Arrimaha Dibadda Eretria Oo Sheegay In Soomaaliya Kasoo Kabaneyso Burburkii Ku Dhacay.

Muqdisho-(OWN)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay waxay xaruntooda munaasibad soo dhoweyn ah ugu sameeyeen wasiirka arrimaha dibadda Eretria Cismaan Maxamed Saalax, kaasi oo maalin kahor isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo soo gaadheen magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan waxaa joogay ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh, duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisow iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horreyn guddoomiye Yariisow ayaa sharaxay taariikhda Muqdisho ay u leedahay soo showeyn iyo martigelinta madaxda caalamiga ah ee booqashada ku yimaada dalka, isaga oo soo dhoweyntaasina ku sheegay mid calaamad weyn u ah dib usoo kabashada caasimadda.

Wasiirka rrimaha dibadda Eretria Cismaan Maxamed Saalax ayaa isagana dhankiisa sheegay inuu maamulka gobolka Banaadir uga mahadcelinayo soo dhoweyntan loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa.

Waxa uu sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin sida wanaagsan ee Soomaaliya dib uga soo kabaneyso burburkii ku dhacay.

Ugu dambeyn, wasiir Cismaan ayaa Soomaaliya u rajeeyey horumar iyo nabad waarta, waxaana uu sheegay in Labada shacab ee Soomaaliya iyo Eretria yihiin kuwo wax badan wadaaga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker